Qarax Labaad oo ka dhacay Hotel Naasahablood ee Muqdisho iyo kooxo ka dhex dagaalamayo

Sida aan horay u daabacnay kooxo hubeysan ayaa weerar is qarxin ah iyo dagaal Toos ah ku qaaday xarunta Hotel Naasahablood 2 ee Muqdisho oo ku yaala Degmada Xamar Weyne ee Muqdisho.

Waxaa hadda halkaasi ka dhacay qarixii Labaad oo Muddo 20 Daqiiqo ah gudaheeda ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale kooxo hubeeysan ayaa ka dhax dagaalamaya gudaha Hoteelka Naasa Hablood 2 ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaaliya iyo kooxihii soo weeraray ayaa ku dagaalamaya goobta qaraxa uu ka dhacay iyo weerarka.

Khasaaraha si rasmi ah looma oga hayeeshee dhimashada dad ku dhow 10 Ruux ayaa si hordhac ah halkaasi ugu geeriyootay.

Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho