Hay,addaha Amniga Puntland oo daba-gal ku haya shaqsiyaad jira Muqdisho.

Hay,addaha Amniga Dowlada Puntland ayaa wada qorshe maxkamadda looga codsanayo in baaritaan lagu sameyn karo akoonada bangiyadda ay ku leeyihiin xubno jooga Muqdisho oo u dhashay Puntland kuwaas oo looga shakisan yahay in ay ku lug leeyihiin abaabulka kacdoon ka dhan ah Puntland.

Saraakiil ka tirsan Hay,adda PIA ayaa laga soo xigtay inay jiraan shakiyo aan buurneyn oo ku qotoma shaqsiyaad u dhashay Puntland oo maleegaya qorshayaal lagu majaxaabinayo maamulka Puntland .

Baaritaankan oo hadda miiska saaran sida ay ogaatay PUNTLAND POST ayaa saameyn ku yeelan doona dadka lagu tuhunsan yahay, hantidooda maguurtada, sheerar ay ku leeyihiin shirkaddaha iyo Aqoonsiga dhalashada Dowladaha hoose ee Muwaadinimada,haddii falkani ku cadaado.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in daba-galku kasoo bilowday dhanka Telefonada, Waxaana muuqata inuusan weli dhamaystirnayn tan iyo inta ay maxkamaddu ka ogolaanayso in baaritaan lagu sameyn karo Akoonadooda dadka laga shakisan yahay.

PUNTLAND POST faahfaahin kama helin magacyadda shaqsiyaadka la tuhmayo iyo darajada xilalka ay hayaan, balse arrintan ayaa la rumaysan yahay inay daba socoto khilaafka ka dhexjira maamulladda dalka iyo Dowlada Federalka Somalia.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST