Madaxweyne Gaas oo la wareystay, kana hadlay Arrimo dhowr ah

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo khamiistii shalay la hadlay TV-ga SBC ayaa wax laga weydiiyay arrimo dhowr ah oo ku saabsan amniga,siyaasadda,iyo dhaqaalaha Puntland.Sidoo kale qodobo la xiriira Soomaaliya oo ay kamid yihiin Khilaafka dowladda dhexe iyo dowladgoboleedyada ee ku aaddan arrimaha khaliijka iyo murankii ka dhashay sarkaal ka tirsan ONLF oo Ethiopia loo dhiibay.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu horrayn faahfaain ka bixiyey waxyaabaha u qabsoomay muddadii xukuumaddiisu jirtay,wuxuuna sheegay in Puntland ay ku tallaabsatay horumar ballaaran oo dhinac kasta ah,isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha oo uu sheegay in Puntland guul weyn ka gaartay intii uu xafiiska joogay.

“Puntland waxaa ka socda horumar ballaaran oo nooc walba leh.horumar kaabayasha dhaqaalaha. waad la socotaa oo dabcan, cidna kama qarsoona horumarka xoogga leh ee ka socda dhanka kaabayaasha dhaqaalah,dhismaha dekedaha ,garoomada caalamiga ah ee international airports-ka oo Boosaaso Garoowe iyo Gaalkacyo”,ayuu yiri madaxweyne Gaas

Xaaladda Amniga Puntland

Mar uu ka hadlayey amniga guud ee Puntland ayuu sheegay in uu suganyahay,balse ay jiraan caqabado ka haysta dhinaca ururada argagixisada ah,iyo sidoo kale ay khatar amni ka haysato xuduudaha ay Puntland la wadaagto degaannada kale ee Soomaaliya,laakiin wuxuu si gaar ah uga hadlay dhacdadii lagu laayey ciidanka Puntland ee Af-Urur.

“Dabcan nasiib-darro ayey ahayd dhacdadii Af-urur,nimankaan mararka qaarkood waxay raadinayaan hal fursad oo ay helaan oo ay ku sameeyaan waxa la yiraahdo Publicity ay ku samamaystaan,taasina waa heleen,marka nasiib-darro dhacday ayey ahayd,gaadmo ayey ahayd.Haatan dhulku waa difaacanyahay.Dabcan dhulkiina dowladda Puntland iyo ciidankeeda ayaa jooga”, ayuu yiri Gaas.

Mashruuca Ballaarinta Dekedda Boosaaso

Madaxweynaha ayaa sheegay in dekedda Boosaaso ay tahay, tan keliyah ee dhaqaalaha Puntland ku taagan yahay,haddii ay duntana aanay jirin meel ay Puntland aaddo,maadaama aysan deked kale haysan.Wuxuu caddeeyey in ganacsato badan ka soo cabatay dekedda oo ciid ka buuxsantay.

“Dekeddaan way buuxsantay waxaa ka buuxa ciid oo hadda doomaha xataa mararka qaar laguma xiri karo, waad aragtaa,haddii aan la dabo-qaban oo wax laga baddelin laga yaabee in ay duntaba,taasi ayaa keentay inaan niraahno wax ha laga qabto hawshaa iyada ah.Hadda hadii ay xumaato ama dunto xagee la’ aadayaa? Ma deked kale ayey Puntland leedahay? soow in wax laga qabto maaha? Maalin walba waxaa ii imaanayey intaan halkaan imi,ganacsato oronaysa meeshaan deked ma jirto maraakiibtayadii labo bilood sadde bilood bay banaanka taagantahay. Waxaas oo cabasho ah baa noo imaanayey”. ayuu ku bilowday Gaas.

Wuxuu nasiib weyn ku tilmaamay mashruuca DP World ay ku dhisayso dekeddaasi,isagoo ka digay in qaylo iyo or’ lagu furo ,hirgelinta mashruucaan oo sida uu hadalka u dhigay ,haddii fursaddaasi Puntland khasaariso  wax badan laga shallaayi doono.

“Yaa ku bixinaya Soomaaliya oo maanta xaaladeeda aad ogtahay ( saddex boqol soddon iyo lix malyan” oo Dollar? cidda ku aaminaysa Soomaaliya yey tahay? anigu waxaan isleeyahay, waa nasiib u soo hooyday Puntland, waa nasiib u soo hooyday Soomaaliya,waana in laga faa’idaystaa fursad weeye.Haddaan ka faa’idaysan weyno runtii waxaan idiin sheegaya in wax badan wax badan laga shallaayi doon” ayuu ku celiyey madaxweyne Gaas.

Dhinaca kale wuxuu faahfahiyey qodobka la xiriira cidda qaadanaysa canshuurta ka soo baxda dekeddaan markii la dhiso,wuxuuna beeniyey wararka sheegaya in canshuurta dekedda ka soo xaroota qaadan doonto shirkadda DP World.

“Dabcan heshiisku soddon sano weeye,waxay qaadanayaana maaha in ay canshuurtii dowladda qaadanayaa.Dowladdu sideeda iyadaa canshuurta u qaadanaysa.Waxa iyaga dakhligoodu noqonayaa Port charges-ka wax yaabihii fee-yadoo ay ka qaadi jireen adeegga,weeye waxa ay la wareegayaan” ayuu kaga jawaabay su’aal laga weydiiyey cidda qaadanaysa canshuurta soo baxda.

Mar wax laga weydiiyey in guryo iyo hanti dad shacab ah loo burburinayo dekedda Boosaaso,si loo ballaariyo,ayuu beeniyey warkaasi,wuxuna tilmaamay in aanay jirin guryo dowladda Puntland ku dhawaaqday in la duminayo,balse wuxuu intaasi raaciyey in dadka ku dhexnool dekedda haddii laga maarmi waayo xal kale loo raadinayo(alternative Solution),inkastoo sida uu hadalka u dhigay marnaba aan hanti loo burburinayn dhismaha dekedda.

Dadka ka horjeeda mashruuca ballaarinta dekedda Boosaaso ayuu ku tilmaamay”dad aan micno lahayn oo horumar-diid ah”Waxaa laga yaabaa TV-ga markii laga arko in loo maleeyo dad micno leh,laakiin waxasi wax jira maaha dad jira maaha” ayuu ku koobay.

Su’aal ahayd sababta dekedda meel kale looga dhisi-waayey tanna sideeda loogu dayn waayey? ayuu kaga jawaabay in ay marar badan isku-day noocaas ah sameeyeen,laakiin ay suurta-gel noqon wayday.

Nidaamka Axsaabta badan

Wuxuu rajo ka muujiyey in doorasho axsaab badan ah ka dhacdo Puntland muddada kooban ee u hartay xukuumaddiisa,haddii sida ay tahay looga hawlgalo,balse waa haddii la sameeyo diiwaan-gelinta codbixiyaasha.

“Waxaan isleeyahay wakhtiga waa sida looga faa’idaysto iyo waxa laqabto.Dowladda halsano iyo dhowr bilood meelahaas baa u hartay ,halsano iyo saddex bilood insha allah,marka wakhti badan weeye wax badan la qaban karo”.

Sicir bararka iyo Diidmada Shiling Soomaaliga.

Diidmada Shiling Soomaaliga ayaa madaxweyne Gaas,wuxuu ku eedeeyey in Al-shabaab ka dambayso.Wuxu sheegay in muddo ay dadka ku wacyi-gelinayeen in Shiling Soomaaliga la qaato,taasoo uu sheegay in khasaare weyn ka soo gaaray dowladda Puntland,kadib markii ay canshuurta ku qaadatay Shiling Soomaaligii Shacabku diiday.Gaas ayaan sheegin go’aan cad oo ku aaddan xal loo helo dhibatada shiling Soomaaliga.

kalluumaysiga Sharci-darrada ah.

Ma uu sheegin qorshe dowladda Puntland ay ka leedahay la-dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah,marka laga reebo in uu musiibo ku tilmaamay,sidoo kalena uu sheegay in ciidanka(PMPF) ay ka hawlgalayaan,islamarkaana ay haatan doomo dheeraad ah iibsanayaan si ay hawlgalkooda u xoojiyaan.

Go’aanka Puntland ee Arrimaha Khaliijka.

Marka uu ka hadlayey go’aanka ay ka qaateen khilaafka Gacanka Carabta ee ay kula safteen sacuudiga iyo Imaaraadka carabta,ayaa waxaa hadalkiisa ka muqatay”in uu leeyahay dowladda Soomaaliya ayaa qodobka 53 aad jebisay ee dhigaya,in maamulgoboleedyada lagala tashado arrimaha ku saabsan siyaadda debadda,sidaasi darteedna xukuumaddiisuna ay baal martay qodobka ku xiga ee 54 aad oo dhigaya in siyaadda debadda ay mas’uul ka tahay dowladda dhexe”.

Wuxuu sheegay in Puntland aanay xiriir la’lahayn dowladda Qatar,xataa aanu aqoon meel ay ku taallo,isagoo ku eedeeyey in ay hayso oo dhaqaale ku bixiso Maxammed Siciid Atam oo ahaa as-aasihii Al-shabaabka Galgala,taasi baddelkeedna ay xiriir dhinacyo badan ay la’leeyihiin Imaaraadka iyo sacuudiga.

Xiriirka Dowladda Dhexe iyo Puntland

Madaxweyne Gaas wuxu sheegay in aan wax dhib ah dhex ool dowladda dhexe iyo Puntland,islamarkaana Puntland tahay xubin muhiim ah oo ka tirsan Soomaaliya,sidoo kalena aanay marnaba ka go’ayn Soomaaliya inteeda kale,balse ay fikirka ku kala duwan yihiin,taasoo aan ka dhignayn buu yiri”in xiriirka la kala goostay”.

Dowladda Soomaaliya waxay u dhexaysa dalka oo dhan

Gaas wuxuu dowadda dhexe ku eedeeyey mas’uuliyad-darro la xiriirta maaraynta khilaafaadka gudaha,isagoo tusaale u soo qaatay murankii Galmudug oo uu sheegay in Dowladdu hal dhinac la safatay,wuxuuna kula taliyey in ay dadka isku soo dhoweyso.

Colaadda Gobolka Mudug

Wuxuu sheegay in dhammaan dagaalladii ka dhacay gobolka Mudug ay Galmudug dhankeeda ka socotay oo sida uu hadalka u dhigay aan Puntland marnaba xad-gudbin,wuxuuna ku baaqay in la joojiyo colaadda Mudug” ee aan dhinacna ku guulaysan doonin”Gaas ayaa sidoo kale xaqiijiyey hadal la isla dhexmarayey oo ahaa in puntland saddexda bilood ee u horraysa mushahar siin doonto ciidanka Isku-dhafka ah ee ka hawlgala gobolka Mudug.Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in Ciidankaasi ay wax weyn ka qabtaan xasilinta gobolka Mudug.

Dhiibistii Qalbi-dhagax

Madaxweyne Gaas ayaa la weydiiyey mowqifka Puntland ee ku aaddan Sarkaal ka tirsan jabhadda ONLF oo Dowladda Soomaaliya u dhiibtay dalka Ethioia,wuxuuna sheegay in arrintaasi aanay Puntland khusayn ee u taallo dowladaha Soomaliya iyo Ethiopia.

Baaqa shacabka

Madaxweyne Gaas ayaa ugu dambayn wuxuu shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabad-gelyada iyo midnimada Puntland iyo in la taageero mashaariicda horumarined ee ka socota Puntland.

PUNTLANDPOST

W/Q:Cabdiraxmaan Ciise Cumar