Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Garowe ku qaabilay Safiir ku-xigeenka Ingriiska  ee Soomaaliya

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland, ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixajiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa maanta 11 September 2017  qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefti uu hogaaminayo safiir ku-xigeenka safaaradda Ingiriiska (Britain) ee Soomaaliya Miss. Mary Shockledge.

Kulanka ayaa waxaa kusimaha Madaxweynaha ku wehelinaayey  masuuliyiin ka tirsan golaha xukuumadda dawladda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa sheegay kulanka kadib inay ka wadda hadleen arrimo ay kamid ahaayeen ammaanka, nabad gelyada, doorashada Puntland, iyo arrimo kale oo muhiima.

Sidoo kale Waxa uu sheegay kusimaha Madaxweynuhu inay si qoto dheer uga hadleen arrinta abaaraha, taas oo uu xusay in ay kala hadleen kuxigeenka safiirka Ingiriiska iyo weftiga ay hogaaminayso qodaalka ceel-biyoodyo lagaga gaashaanto abaarta iyo sidoo kale in ceelashaasi lagaga faa’iidaysan doono ku dhiirashada falashada beeraha.

Dhinaca kale Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa tilmaamay inay ka wada hadleen kalluumaysiga Puntland, waxaana uu tibaaxay kusimaha Madaxweynuhu inay arrintaasi isku afgarteen wax ka qabashadeeda, isla mar’ahaantaana waxa uu cadeeyey Madaxweyne Camey in  ay dhammaan arrimaha ay ka wadda hadleen ka ahaayeen isku mawqif ama isku hadaf dhowaana ay hirgelidoonto bar-bilawgoodu.

Safiir Ku-xigeenka safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya Miss. Mary Shockledge ayaa dhankeeda sheegtay inay diyaar u yihiin iskaashiga iyo wax ka qabashada dhammaan arrimaha muhiim ka ah ee ay kawada hadleen Madaxweyne Ku-xigeenka iyo masuuliyiinta ku wehelinayey kulanka, taasi oo ay ugu horeeyaan arrimaha Amaanka, abaarta iyo doorashooyinka.

Ugu danbayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeysey ay Puntland  timaado safiir ku-xigeenka safaadda Ingiriiska ee Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay  Madaxweyne Ku-xigeenku inay sheegtay inay aad ugu qanacsan tahay imaanshaha ugaha dawladda Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND .