Puntland:- Noloshii Miyiga oo gabaabsi ku dhaw.

Waxaa la isku raacsanyahay in Abaartii Somalia ku dhufatay ay ahayd tii ugu darnayd oo soo marta inta la xasuusto, waana tan keentay in loo bixiyo magaca SIMA oo tilmaamaya siday u wada saamaysay dalka oo dhan..

Inkastoo dhawaan dalka uu ka da,ay roobkii Gu’ga,haddana deegaanada wuu ku yaraa waxaana weli muuqata raadadka abaartii ku dhufatay Somalia oo aysan inta badan kasoo kaban dadka reer guraaga ah oo noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool.

Goobaha ugu daran oo ay ku noolyihiin qoysas barakacayaaal ah oo boqolaal kor u dhaafaya waxaa ka mid ah deegaano aan ka fogeyn Degmada Dongoroyo ee Gobolka Nugaal kuwaas oo ka mid ah dadkii ku xoola beelay Abaartii SIMA.

Dhinaca kale waxaa ka mid ah dhibaatooyinka qoysaskaan u dheer abaarta xaalado caafimaad  daro oo soo wajahay mana jirto daryeel caafimaad oo ay heleen.

Daawo warbixin muuqaal ah oo uu Wariye Mukhtaar Suudaani uga xog waramayo saameynta gudaha dalka ay ku reebtay Abaartii SIMA.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST