Xusuustii Xumayd “Daawo Abaarta ka jirta Puntland”

Ka dib socdaal muddo todobaad ah qaatay oo  Wariyaha PUNTLAND POST Abshir Dhiirane ku maray deegaano ka tirsan Gobolada Puntland waxa u suuro gashay inuu la wadaago dadweynaha Warbixin muuqaal ah oo si dhab ah uga hadlaysa xaalada iyo dareenka ka jira miyiga iyo tuulooyinka ku yaala deegaanada Puntland oo ay saameyn xoog leh ku yeelatey abaaraha ku dhuftay dalka Soomaaliya.

Meel ma dayan barakaca reer miyigu, waxaana ku arkeysaa tuulo walba, banaan kasta iyo jidadka gadiidku maro boqolaal qoys oo is dhinac dhigtay aqal Soomaaligii dalkeenu caanka ku ahaa kuwaas oo u muuqaal eg sidii qaxootigii ama kaamamkii barakacayaasha ee magaalooyinka ku yaalay oo kale .

Qoysaskaan ayaa ah dadka ku cayroobay abaaraha xiriirka ee muddo ku dhaw 4 sano ka jiray inta badan deegaanada Puntland, Waana kuwo aan habayaraatee haysan xoolo iyo hanti ay quutaan midna, waxaana lagu sifeyn karaa inay yihiin kuwo u baahan gurmad deg deg ah oo leh cunto,biyo,caafimaad iyo hooy ama gabaad dhaxanta ay ka dugsadaan.

Wakaalada Puntland u qaabilsan biyaha oo door muhiim ah sanadka ka ciyaaraysa gurmadka biyo dhaanka dadka abaaruhu saameeyeen ayaa lagu arkaa warbixinta doorka muhiimka oo gurmadkani ku leeyihiin gadiidkii dhawaan Dowlada Puntland usoo iibisay in loogu biyo dhaamiyo dadka iyo duunyada ku nool miyiga iyo tuulooyinka.

Daawo Warbixin xiiso leh.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST