Cristiano Ronaldo oo ku guuleystay Abaal marinta Yurub

Laacibka kooxda Real Madrid iyo xulka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay abaal marinta xidigii ugu fiicnaa Qaaradda yurub xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Cristiano Ronaldo ayaa abaal marintan kaga guuleystay xidiga Barcelona Lionel Messi iyo gool hayaha Juventus Gianluigi Buffon.

Cristiano Ronaldo ayaa difaacday abaal marintan, maadama uu sanadkii hore kaga guuleystay Antoine Griezmann iyo Gareth Bale oo noqday labadii xidig ee la tartamay, sidoo kalana markii ugu horeysay ee uu ku guuleysto abaal marintan ayaa ahayd 2013/2014, markaas oo uu ka helay Manuel Neuer iyo Arjen Robben.

Sanadkii 2011-kii ayay ahayd markii la mideeyay abaal marinada FIFA Best Player iyo Ballon d’Or,  inkastoo sanadkii lasoo dhaafay mar kale la kala qaaday.

Cristiano Ronaldo ayaa ah xidiga ugu badan ee abaal marintan ku guuleystay, wuxuuna ka saramaray Lionel Messi oo ay min laba jeer horay ugu guuleysteen, isagoo noqday xidigii ugu horeeyay ee abaal marintan sadex jeer hanta.

PUNTLAND POST