Warar sheegaya in la qabtay Cabdirasaq Tahliil (Calool Geel)

Cabdirasaq Xuseen Tahliil (Calool Geel)

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in la qabtay madaxii dhaqaalaha iyo Saadka Al-Shabaab ugu qaabilsanaa gobolka Mudug Cabdirasaq Xuseen Tahliil (Calool Geel).

Wararka ayaa sheegaya in ninkan iyo saddex qof oo kale lagu qabtay howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Sirdoonka Puntland iyo Galmudug, kaas oo laga fuliyay Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Cabdirasaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) ayaa Maxkamadda ciidamada Puntland 02/03/2013 ku xakuntay dil toogasho ah, kadib markii 17/11/2012 lagu qabtey Gaalkacyo isaga oo wada boorso ay ku jiraan walxaha qarxa islamarkaana qirtey inuu yahay Al-Shabaab, laakiin xabsiga Puntland ayaa laga sii daayay dhamaadkii sanadkii 2014-kii, kadib markii labo muwaadiniin oo reer Puntland ah Afduub loogu qabsaday Koonfurta Gaalkacyo taas oo keentay in qaab nabad ah la isku dhaafsaday Cabdirasaq Tahliil (Calool Geel) iyo dadkii shacabka ahaa.

Cabdirasaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) ayaa lagu eedeyay sii deyntii sii kadib inuu ka dambeeyay qaraxyo iyo dilal ka dhacay gudaha Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale isku dhacyadii dhexmaray Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale Calool Geel ayaa mar la sheegay in lagu dilay weerarkii 28/09/2016 Ciidamada Puntland oo kaashanaya diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen meel bariga uga beegan Gaalkacyo, kaas oo lagu beegsaday koox lagu tuhunsanaa in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Puntland iyo Galmudug ayaa weli ka hadlin qabashada madaxii dhaqaalaha iyo Saadka Al-Shabaab ugu qaabilsanaa gobolka Mudug Cabdirasaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo horey looga siidaayay xabsiga Puntland.

PUNTLAND POST