Wasiir-ku-Xigeenka Amniga DFS oo Tacsi u diray dawladda iyo shacabka Puntland

Xildhibaan/Wasiir Cabdinaasir Siciid Muuse “Bahay”

MUQDISHO — Wasiir-ku-Xigeenka Amniga Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse “Bahay” ayaa ka tacsiyeeyey falkii argagaxiso ee ka dhacay deegaanka Af-urur ee Puntland.

“Waxaan dhamaan shacabka iyo Maamulka Puntland oo dhan uga tacsiyeynayaa falkii waxashnimada ahaa ee maanta ka dhacay tuulada Af-Urur ee gobalka Bari, oo ay so qaadeen [koooxaha nabad-diidka ah] ee caadeystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed, waxaana ballan qaadaynaa in aan cid walba oo amaanka Soomaaliya khatar ku ah aan wax ka qabanno, annaga oo og in kooxaha nabad-diidka ahi sii wiiqmayaaan marba marka ka dambeysa” ayuu yiri wasiirku.

Xildhibaan Wasiir Cabdinaasir oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaan ka codsanaynaa shacabka Soomaaliyeed in ay garab siiyaan ciidamada har iyo habeen u taagan sugidda amaaankooda.”

Ugu dambeyntii Mudane Cabdinaasir Siciid Muuse(Bahay) ayaa u rajeeyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay nabad ku soomaan kuna afuuraan.