Soomaaliya oo War ka soo saartay Khilaafka Wadamada Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegay in ay ka xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dowladaha Carabta ee walaalaha ah.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ku baaqeyso in khilaafka lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham, iyada oo la adeegsanayo Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamcadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii xal loogu heli lahaa khilaafkan Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay waddamada walaalaha ah.

Maalmo ka hor ayaa wadamada Sacuudiga, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta xiriirkii Diblomaasi u jareen dawladda Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la’aan ka wado gobolka.

Hawada Soomaaliya ayaa la sheegay in ilaa shalay ay mareen duulimaado tiro badan oo ay leedahay shirkadda Qatar airways, kuwaas oo ay saameeyeen xayiraada Qadar.

Warka ka soo baxay dowladda Soomaaya ayaa muujinaya in Soomaaliya ay dhex-dhexaad ka tahay Khilaafka Wadamada Carabta.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST