Garoowe waa caasimadda Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed tan iyo 1998-dii markaas oo la isku raacay inay xarun u noqoto Gobaladii ku bahoobay magaca Puntland, markii ay xiligaa marti gelisay shirweynihii dastuuriga ahaa ee lagu dhisay Dawlada Puntland, Garoowe ayaa waxay soo martay maraxalado kala gedisan, haatanna waxay maraysaa heer keedii ugu sarreeyay.
Magaalada Garoowe ayaa xarun u ah Hay’adda dowliyaga ah iyo kuwa aan dowli ahayn, qunsuliyado, ururo maxali ah , kuwa NGO ah, radio stations, TV IWM. Garowe waxaa ku yaal meelo aad iyo aad u qurxoon suuqyo iyo bacadlayaal aad iyo aad u camiran Jawiga ayaa had iyo goorba ah mid aan qaboow saa’ida iyo kulayl saa’idana aan lahayn qorraxda ayaa inta badan waxaa ku dahaaran cadar iyo daruuro.
Garoowe waxaa kunool dad kor udhaafaya 257,300 waxaa lagu tilmaamaa magaalooyinka ugu kobaca badan Soomaaliya, Magaalada Garowe kama aysan mid noqon xiligii ay jirtey Dawladii dhexe ee burburtay 1991 magaalooyinkii nasiibka u helay garoomo diyaaradeed oo dhisme wanaagsan sida kuwa Muqdisho, Hargeysa iyo Berbera, inkastoo horumar la’aantan ay la qabtay gobaladii la isku oran jirey Waqooyi Bari hadana waxaa nagu maqaalo ah in Dawladii Soomaaliya ee burburtay 1991-dii ay qorshaynaysay in Garowe laga hirgeliyo garoon diyaaradeed oo caalami ah ka hor burburkeedii, nasiib darase ma hirgelin mashruucaasi walow ay Dawladii xiligaa saxiixday mashaariic ay hirgelin lahayd Dawlada Talyaaniga.
Mar xalad noocee ah ayuu soo maray garoonka diyaaradaha Garowe
Magaalada Garowe waxay mudo dheer sugaysay inay hesho garoon diyaaradeed oo heer caalami ah maadama ay tahay caasimada Puntland, ayna mar walba caasimada dal walba tahay wajiga ama muraayada uu dal walba iska arko.
Caasimada waa fadhiga Hay’adaha kala gedisan ee Dawlada, waxaana dalka laga sawira ama lagu qiimeeyaa hadba sida ay caasimadiisu tahay, wajiga ugu horeeye ee caasimada laga soo galana waa garoomada diyaaradaha oo iyadana uu qofku ka sawiran karo sida ay caasimadaasi tahay.
Hadaba garoonka diyaaradaha ee Garoowe oo soo maray marxalado kala duwan oo marba kufaa kacaayey ayaa dawladihii kala danbeeyey ee Puntland waxay dadaal ku bixiyeen inkasta hala e kaadee in Garowe hesho garoon diyaaradeed.
Garoonkii hore ee Garowe ayey magaaladu ku fiday waxayna taasi sababtay garoon xumo soo wajahday magaaladani, iyadoo ay dantu baday in la adeegsado garoon macbal ah oo lagu magacaabo Canoco magaaladana u jira in ku dhow 50KM.
Horaantii 2003-dii ayaa si rasmi ah loo dhagax dhigay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe kaas oo soo maray marxalada kala duwan, waxayna odayaasha magaalada oo kaashanaaya Dadweynaha Gobalku isku taxalujiyeen in magaaladan laga saaro dayaca garoon ee ay qabto loona sameeyo garoon diyaaradeed inkastaba hale ekaade, waxayna ku guulasyteen in duleedka magaalalda laga hirgeliyo garoon ciid ah oo dhismihiisu qaatay ku dhawaad 10 sano, Garoonkaas oo ah mid aan weli la dhamaystirin hase ahaate ay adeegsan karaan diyaaradaha yaryar ayaa waxaa sideedii Agoosto 2010 xariga ka jaray madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole horayna uga mid ahaa odayaashii Gobalka ee dhexda u xirtay hirgelinta garoon diyaaradeed oo ay magaaladu yeelato, intaa wixii ka danbeeyeyna waxaa diyaaradihii adeegsan jiray garooonka Canoco usoo wareegeen garoonkan cusub.
Maxaa loo dayacay rajadii umadda?
Kadib markii lagu guulaystay in Garowe laga hirgeliyo garoon diyaaradeed oo aan gaarsiisnayn heerkii looga baahnaa garoon caasimadeed sanadkii 2010 ayey Dawladii xiligaa jirtey dhexda u xiratay sidii loo heli lahaa Dawlado deeq bixiye ah oo ka caawiya dhismayaasha kabayaasha dhaqaalaha sida garoomada diyaaradaha Bosaaso, Garoowe iyo Gaalkacayo, kadib albaabo dhawr ah oo ay gargaaracday waxaa baahidaas ka jawaabay dalalka Kuwayt iyo Talyaaniga oo mid weliba balan qaaday dhismaha garoomada diyaaraha Bosaaso iyo Garowe inkastoo garoonka Boosaaso lagu guulaystay dhismihiisii, waxaase muuqata in meel qabya ah looga tegey dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe oo uu madaxweyne Gaas dhagax dhigay 26-kii December 2015, ayna 6-milyan oo dollar dhismihiisa ku bixisay Dawlada Kuwayt, hase ahaatee waxaa maalmahan muuqanaysay daruuf dhaqaale oo soo wajahday garoonka iyadoo ay harsan yihiin inihii ugu muhiimsana.
Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in dhismaha garoonka ay ku filaan weyday 4-milyan oo Dollar oo kamida 6-milyan oo loogu tala galay dhismaha garoonka, waxaana si dhaba loo ogayn halka ay martay 2-milyan oo kamida dhaqaalihi ay Dawlada Kuwayt ugu yaboohdan dhismaha garoonka Garowe.
Arintan ayaa ceeb ku ah Dawlada Madaxweyne Gaas oo meel walba kaga faanta inay Garowe ka hirgelisay garoon diyaaradeed hase ahaatee waxaa muuqata in la dayacay rajadii umadda oo mudo dheer naawilaysay inay aragto Garowe oo leh garoon diyaaradeed oo caalami ah.
FG: Warbaahinta Puntland Post waxay baaritaan dhaba ku haysaa halka uu ku danbeeyey dhismihii garoonka diyaaradaha Garoowe.
email: webmaster@puntlandpost.com