Puntland oo maalinta beri ah iclaamisay isu soo bax roobdoon.

Waxaa ka socda magaaalada Garowe abaabulka isu soo bax balaaran oo lagu iclaamiyay maalinta beri ah in lagu alle baryo isu soo bax roob doon ah, Xilli ay abaartu ay mareyso heer aad u adag.

Culimo udiinka iyo Masuuliyiinta Dowlada ayaa si wada jir ah u go,aamiyay maalinta beri ah oo ku begaan khamiis inuu ka qabsoomo magaalada Garowe isu soo baxaan balaaran ee roob doonta ah.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Dowlada Puntland Prof Abshir Awyuusuf Ciise oo maanta warfidiyeenka kula hadlay magaalada Garowe ayaa fasaxay shaqaalaha wasaaradda, Macalimiinta iyo Ardeyda Iskuulada.

Prof Abshir Yuusuf Ciise ayaa sheegay inay ka dambeysay talaabadan uu ku fasaxay shaqaalaha, macalimiinta iyo Ardeyda sidii kaalin weyn bahda waxbarashadu uga qaadan lahayd isu soo baxa roob doonta ee ka qabsoomaya Garowe iyo meelo ka mid ah Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST