11 qof oo cudurka shuban biyood ugu geeriyooday Garowe

Inta la xaqiijiyay 11 qof ayaa cudurka shuban biyoodka ugu geeriyootay Kaam Shebeelle oo kamid Kaamamka dadka soo barakacay ay deganyihiin oo ku yaala duleed Barri ee magaalada Garowe.

Dadka geeriyooday ayaa Sagaal ka mid ah ay ahaayeen Caruur ,halka Labada kale ay ahaayeen dad Waaweyn, iyadoo ay jraan dadka kale oo isugu jira caruur iyo dad waayeel ah oo uu soo ritay cudurkaas.

Cudurka shuban biyoodka ayaa ah cudur dilaa ah haddii aan la xakamayna waxaa dhici karta in uu ku faafo Kaamamka kale ee barakacyaasha iyo magaaldada inteeda kale, iyadoo aad looga dayrinayo xarumaha caafimaad ee Gobolka.

Kaamamka barkacyaasha magaalada Garowe ayaa waxaa ka jira xaalad nadaafad daro oo aad u liidata.

PUNTLAND POST