Abwaan ahaana Majaajileeyste Boon Xirsi oo Hargeysa ku Geeriyooday

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Soomaaliand ayaa waxa ay sheegayaan in hakaasi uu ku geeriyooday abwaan ahaana Majaajileeyste caan ahaa.

Allaha u naxariistee Abwaan Boon Xirsi ayaa ku geeriyooday xaly hooygiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa sida ay PUNTLAND POST ay u xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladiisa.

Abwaanka ayaa xanuun aan badneeyn dareemayay waayihii ugu dambeeysay taasi oo ugu dambeeyn xalay uu u geeriyooday.

Allaha u naxariistee Boon Xirsi ayaa lagu xasuustaa Gabayada iyo Ruwaayado badan oo uu ka qeeyb qaatay.

Abwaanka ayaa lagu wadaa in aas qaran loogu sameeyo Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliand.

Hoos ka Daawo Mid kamid ah Riwaayadihii uu jilayay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post