Garowe (Puntland Post):- Ciidamada la-dagaalanka burcad badeeda ee ku sugan biyaha Dalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen howlgalada,sida uu shaaciyay afhayeen u hadlay NATO, ka dib markii uu sheegay in hoos u dhac uu ku yimid khatarka ka imaan jirtay kooxaha Burcad badeed oo mar sii horeysay awood badan ku lahaa biyaha u dhaw badda Soomaaliya.
Afhayeenkan ayaa sheegay in dhaqaale farabadan uu uga bixi jiray Hawlgalkan NATO, Wuxuuna sheegay suurtagalnimada inaanu sii socon doonin dhaqaalaha NATO uga bixi jiray hawlgalka .
Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah maraakiibta la-dagaallanka burcad badeeda inay ku hari doonaan biyaha Soomaaliya,waxaana ka mid ah dalalka maraakiibtoodu ku hareyso Biyaha Soomaalida dowladda Hindiya
Afhayeenka u hadlay NATO ayaa yiri“Waxaan kor kala socon doona dhaqdhaqaaqyada ay sameynayaan kooxaha burcad badeeda,”ayuu yiri afhayeen u hadlayay NATO oo inta ku darey.”Howlgalka wuxuu istaagi doona hadda”.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST

Hawlgalka qarsoon ee badda puntland ay ka wadaan ciidamada NATO ee loogu magacdaray Ladaalanka burcad badeeda soomaalida oo waji cusub lasoo baxay