Hawlgalka Ciidamada NATO biyaha Soomaaliya oo istaagay

Garowe (Puntland Post):- Ciidamada la-dagaalanka burcad badeeda ee ku sugan biyaha Dalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen howlgalada,sida uu shaaciyay afhayeen u hadlay NATO, ka dib markii uu sheegay in hoos u dhac uu ku yimid khatarka ka imaan jirtay kooxaha Burcad badeed oo mar sii horeysay awood badan ku lahaa biyaha u dhaw badda Soomaaliya.

Afhayeenkan ayaa sheegay in dhaqaale farabadan uu uga bixi jiray Hawlgalkan NATO, Wuxuuna sheegay suurtagalnimada inaanu sii socon doonin dhaqaalaha NATO uga bixi jiray hawlgalka .
Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah maraakiibta la-dagaallanka burcad badeeda inay ku hari doonaan biyaha Soomaaliya,waxaana ka mid ah dalalka maraakiibtoodu ku hareyso Biyaha Soomaalida dowladda Hindiya

Afhayeenka u hadlay NATO ayaa yiri“Waxaan kor kala socon doona dhaqdhaqaaqyada ay sameynayaan kooxaha burcad badeeda,”ayuu yiri afhayeen u hadlayay NATO oo inta ku darey.”Howlgalka wuxuu istaagi doona hadda”.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST