Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta ilaa shalay lagu doortay magaalo madaxda Puntland ee Garowe 16 xubnood oo kamid ah 37 kursi ee Puntland laga siiyay aqalka hoose ee baarlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya, Iyadoona taasi noqonayso Puntland oo caawa 12 December 2016 soo gaba gabeysay doorashadii aqalka hoose ee ka socotay Garowe .
Doorashada Aqalka hoose ee Puntland ayaa ahayd mid lahayd xiiso iyo xamaasad lixaad leh, waxaana ku jira dadka kusoo baxay xubno ku cusub saaxada siyaasada dalka Soomaaliya, halka guul daro ay kala kulmeen ruugcadaayo muddo kusoo jiray siyaasada, kuwaas oo ay ka mid yihiin Axmed Guraase oo soo noqday Wasiirka Waxbarashada Dalka Soomaaliya, Xildhibaan Xoosh Jibriil oo horey uga soo mid noqday baarlamanka Soomaaliya, Xildhibaan Kula lihi iyo Rag kale.
Akhri Magacyada Xildhibaanada kusoo baxay shalay ilaa maanta Doorashada Garowe
SHALAY
- Saadiq Warfaa Beesha Leelkase
- Sharmaake Garaad Saleebaan Beesha Dhulbahante
- Maxamed Cabdullaahi Beesha Warsangali
- Sacdiya Salaad Samatar Beesha Carab-Saalax
- Xaawo Yuusuf Axmed Beesha Cumar Maxamuud
- Maxamed Axmed Ciise Beesha Cusmaan Maxamuud
- Daahir Maxamed Muuse Beesha Leelkase
- Cabdirashiid Maxmaed Gaboobe Beesha Leelkase
- Maxamed Cabdikaafi Max’ed Beesha Carab Saalax
- Cabdullaahi Bidhaan Warsame Beesha Dhulbahante
- Saleebaan Axmed Xaashi Beesha Cumar Maxamuud.
MAANTA
- Canab Xasan Cumar Beesha Jaamac Siyaad (Dhulbahante)
- Axmed Ismaaciil Shabeel Beesha Khaalid (Dhulbahante)
- Axmed Maxamed Axmed (Dubays) Beesha Nuur Axmed (Dhulbahante)
- Deeqo Siciid Xasan Beesha Is xul (Cismaan Maxamuud).
- Ikraan Yuusuf Xirsi Beesha Xasan Ugaas (Dhulbahante)
Waxaana sidaas caawa abaaro 9:-00 PM caweysnimo ugu soo gaba-gabowday doorashada 37 mudane oo Puntland laga siiyay Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya, Ka dib markii horey loo doortay 21 ka mid ah 16-ka Xildhibaan ee caawa doorashadooda lagu soo gabagabeeyay xarunta maamulka Puntland ee Garowe .
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST