CC Sharmake,Faroole,Gaas iyo Juurile oo shir xasaasiya ku yeeshay Garowe

121Garowe (Puntland Post):- Raysal wasaaraha DF Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali, Xildhibaan Cabdirasaaq Cismaan Xasan (Prof Juuriile), iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa shir gaar oo saacado badan socday maanta ku yeeshay Guriga uu ka degan yahay Garoowe Madaxweynihii horre ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole .

Kulanka masuuliyiintan oo bilowday subaxnimadii horre ee maanta ayaa ahaa mid aan horey loo sii shaacin, Waxaana wararka PUNTLAND POST ka helayso sheegayaan inuu ku saabsanaa sidii loogu kala dab qaadi lahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Cabdiraxmaan Faroole oo labaduba u sharaxan xilka Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya , Kuwaas oo mudooyinkii dambe ahaa kuwo laga dareemayo kala fogaansho siyaasadeed oo u dhaxeeya.

Weli si cad looma oga arrimaha la iskula soo qaaday kulanka maanta Garowe ku dhex maray Cabdiraxmaan Faroole, Cabdiwali Gaas, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Prof Juuriile, balse waxaa la hubaa in la isku dhaafsaday  xogo xasaasiya oo ku saabsan arrimaha doorashada dalka Soomaaliya, waxaana muuqata in labada musharax Faroole iyo CC Sharmaake isku dayayaan inay xaliyaan wax ka dhex jira.

sharma_1Dhinaca kale waxaa si weyn looga hadal hayaa shirka maanta Garowe ku dhex maray rag miisaan ku leh siyaasada dalka Soomaaliya inta badan deegaanada Puntland iyo Muqdisho oo ay ku sugan yihiin Musharaxiin leh miisaan weyn, kuwaas oo uu ka mid yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kuwo kale oo u cararaya hanashada kursiga Villa Soomaaliya.

Xubno ka agdhow kulanka masuuliyiintan balse ka gaabsaday magacyadooda in la shaaciyo ayaa u sheegay PUNTLAND POST inay jiraan guulo horudhac ah  iyo Balamo kale oo laga gaaray kulanka maanta ay yeesheen Musharax Cabdiraxmaan Faroole, Musharax Sharmaake, Madaxweyne Cabdiwali Gaas, iyo Xildhibaan Juuriile.

faroole_gaas-1 gaas_faroole sharma_1Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST