Wasiirka Waxbarashada oo kormeer ku maraya Gobolada Puntland

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dwoladda Puntand, Dr, Abashir Yuusuf Ciise iyo agaasimihii guud Maxamed Cabduqaadir Cismaan ayaa waa kormeer waxbarasho ku tagay degmada Qardho ee gobolka Karkaar iyagoo la kulamay maamulayasha waxbarashadam waxaana aad ugu soo dhaweyey gudoomiyaha waxbarashada gobolka karkaar, waxayna iska waraysteen xog fiican iyo meesha ay waxbarashada gobolka marayso.

Wafdiga wasiirka waxay uga sii gudbeen iskuulada kuyaala tuuloyinka iyo degmooyinka sida tuulada Sheerbi oo ay la kulmeen maamulka iyo degmada halkaas oo wasiirka iyo iyo agaasiamha guud dhagax dhigeen dugsiga sare ee Sheerbi. Waxay sidoo kale tageen waxay tageen degmada Waaciye ee gobolka Karkaar  isagana la dhagax dhigay dugsi sare.

Wasiirka iyo agaasimaha guud waxay maamulka degmada Waaciye iyo bulshada deegaanka kala hadleen meesha uu marayo manhajka waxbarashada iyo mashruuca world bank oo ah sidii mushaarka macalimiinta loogu kordhin lahaa.

Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland  ayaa sidoo kale kormeer ku tagay gobolka Nugaal siiba degmada denagarayo. Waxaa looga gudbay magalada shaxada ah oo hoos timada degmada qardho. iyagii u kuur galay baahiyaha kajira waxabarshada iyo sidii loo tayeyn lahaa waxbarashada guud.

dsc00117-copy dsc00121-copy dsc00151 dsc00154 dsc00170 dsc001741 dsc00174 dsc00181 dsc001821 dsc00185 dsc00190-copy dsc00190 dsc00204 dsc00207-copy dsc00208-copy dsc00208 dsc00213-copy dsc00223 dsc00233 dsc00234 dsc00237 dsc00258 dsc00279 dsc00288 dsc00296 dsc00314 dsc00333 dsc00345 dsc00350 dsc00382 dsc00489 dsc00493 dsc00500 dsc00502-copy dsc00502 dsc00508 dsc00517 dsc00518 dsc00520 dsc00524 dsc00531 dsc00537 dsc00556Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST