Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dwoladda Puntand, Dr, Abashir Yuusuf Ciise iyo agaasimihii guud Maxamed Cabduqaadir Cismaan ayaa waa kormeer waxbarasho ku tagay degmada Qardho ee gobolka Karkaar iyagoo la kulamay maamulayasha waxbarashadam waxaana aad ugu soo dhaweyey gudoomiyaha waxbarashada gobolka karkaar, waxayna iska waraysteen xog fiican iyo meesha ay waxbarashada gobolka marayso.
Wafdiga wasiirka waxay uga sii gudbeen iskuulada kuyaala tuuloyinka iyo degmooyinka sida tuulada Sheerbi oo ay la kulmeen maamulka iyo degmada halkaas oo wasiirka iyo iyo agaasiamha guud dhagax dhigeen dugsiga sare ee Sheerbi. Waxay sidoo kale tageen waxay tageen degmada Waaciye ee gobolka Karkaar isagana la dhagax dhigay dugsi sare.
Wasiirka iyo agaasimaha guud waxay maamulka degmada Waaciye iyo bulshada deegaanka kala hadleen meesha uu marayo manhajka waxbarashada iyo mashruuca world bank oo ah sidii mushaarka macalimiinta loogu kordhin lahaa.
Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland ayaa sidoo kale kormeer ku tagay gobolka Nugaal siiba degmada denagarayo. Waxaa looga gudbay magalada shaxada ah oo hoos timada degmada qardho. iyagii u kuur galay baahiyaha kajira waxabarshada iyo sidii loo tayeyn lahaa waxbarashada guud.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST