Hay,adda IOM oo mashruuc ka hirgalisay garoonka diyaaradaha Bosaso.

Bosaso(Puntland Post):- Hay,adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa ka hirgalisay garoonka diyaaradaha magaalada Bosaso mashruuc ku saabsan koronto sollar ah oo laga dhalinayo qoraxda iyo dabaysha , Ka dib markii IOM ugu tala-gashay in looga faa,iideysto mashruucani howlaha shaqo  ee garoonka diyaaradaha gaar ahaan waaxda socdaalka Bosaso.

Munasabad lagu daahfurayo mashruucani waxaa ka qaybgalay madax ka kala socota Hay,adda IOM, Laanta socdaalka iyo Wasaaradda Amniga Puntland.

Cabdinuur Maxamed oo ah Madaxa laanta socdaalka ayaa sheegay inay muhiimiyad gaar ah u leedahay mashruuca Soollarka ee laga hirgeliyey Garoonka Diyaaradaha Bosaso.

Mr.Neeyal Robat oo ka socday IOM  aya ka warbixiyey muhiimiyadda uu leeyahay mashruucani, Wuxuuna sheegay ka dib dadaal dheer inay ku guulaysteen hirgalintiisa.

Wasiir kuxigeenka Amniga Dowlada Puntland Cabdicasiis Maxamed Aadan ayaa si toos ah xariga uga jaray mashruucani, wuxuuna uga mahad celiyey Hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM.

vlcsnap-2016-10-29-12h27m14s797-1 vlcsnap-2016-10-29-12h27m36s473-1 vlcsnap-2016-10-29-12h27m54s123 vlcsnap-2016-10-29-12h28m29s460 vlcsnap-2016-10-29-12h28m29s4601 vlcsnap-2016-10-29-12h28m42s870 vlcsnap-2016-10-29-12h29m04s834 vlcsnap-2016-10-29-12h29m19s866 vlcsnap-2016-10-29-12h29m19s8661 vlcsnap-2016-10-29-12h29m33s723 vlcsnap-2016-10-29-12h29m43s8871 vlcsnap-2016-10-29-12h29m54s9271 vlcsnap-2016-10-29-12h30m06s203 vlcsnap-2016-10-29-12h30m20s095 vlcsnap-2016-10-29-12h30m55s477 vlcsnap-2016-10-29-12h31m07s193Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST