Bosaso(Puntland Post):- Hay,adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa ka hirgalisay garoonka diyaaradaha magaalada Bosaso mashruuc ku saabsan koronto sollar ah oo laga dhalinayo qoraxda iyo dabaysha , Ka dib markii IOM ugu tala-gashay in looga faa,iideysto mashruucani howlaha shaqo ee garoonka diyaaradaha gaar ahaan waaxda socdaalka Bosaso.
Munasabad lagu daahfurayo mashruucani waxaa ka qaybgalay madax ka kala socota Hay,adda IOM, Laanta socdaalka iyo Wasaaradda Amniga Puntland.
Cabdinuur Maxamed oo ah Madaxa laanta socdaalka ayaa sheegay inay muhiimiyad gaar ah u leedahay mashruuca Soollarka ee laga hirgeliyey Garoonka Diyaaradaha Bosaso.
Mr.Neeyal Robat oo ka socday IOM aya ka warbixiyey muhiimiyadda uu leeyahay mashruucani, Wuxuuna sheegay ka dib dadaal dheer inay ku guulaysteen hirgalintiisa.
Wasiir kuxigeenka Amniga Dowlada Puntland Cabdicasiis Maxamed Aadan ayaa si toos ah xariga uga jaray mashruucani, wuxuuna uga mahad celiyey Hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
