Garowe xal laga gaaray ciidan gadoodsan oo la wareegay xarumo dowlada

ciidanGarowe (Puntland Post):-Waxaa lagu guulaystay in laga qanciyo tabashooyinkoodii Ciidamo ka tirsan Hay,adda sirdoonka Puntland PIA oo galinkii danbe iyaga oo gadoodsan la wareegay xarumo muhiim oo Dowlada Puntland ku leedahay magaalada Garowe.

Ka dib dadaalo xoogan oo ilaa galinkii danbe ee maanta masuuliyiin ka tirsan dowladu ka wadeen magaalada Garowe waxaa dib loogu celiyay xarumahoodii ciidankan gadoosan oo ka cabanaya mushahaar la,aan muddo ku dhow 7 bilood iyo daryeel la,aan dhaawacooda ah.

Ciidankan gadoosan ayaa qeybo ka mid waxa ay kazoo ruqaansadeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug

Majirto ilaa hadda cid ka tirsan dowladda oo ka hadashay gadoodka ciidamada PIA-da Puntland oo qayb lixaad leh ka qaatay howl gallo ka dhan ah la dagaalanka Alshabab.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST