Garowe (Puntland Post):-Waxaa lagu guulaystay in laga qanciyo tabashooyinkoodii Ciidamo ka tirsan Hay,adda sirdoonka Puntland PIA oo galinkii danbe iyaga oo gadoodsan la wareegay xarumo muhiim oo Dowlada Puntland ku leedahay magaalada Garowe.
Ka dib dadaalo xoogan oo ilaa galinkii danbe ee maanta masuuliyiin ka tirsan dowladu ka wadeen magaalada Garowe waxaa dib loogu celiyay xarumahoodii ciidankan gadoosan oo ka cabanaya mushahaar la,aan muddo ku dhow 7 bilood iyo daryeel la,aan dhaawacooda ah.
Ciidankan gadoosan ayaa qeybo ka mid waxa ay kazoo ruqaansadeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug
Majirto ilaa hadda cid ka tirsan dowladda oo ka hadashay gadoodka ciidamada PIA-da Puntland oo qayb lixaad leh ka qaatay howl gallo ka dhan ah la dagaalanka Alshabab.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST

aad iyo aad ayaan uga xumahay in ciidankii wadanka har iyo habeen u soo jeeday xaqoodii nin mukayf iyo raaxo ku jiro uu cuno.
Waaka xumahay arintaa ciidanka puntland udhimanaya oodhiigooda uhuray 7 bilood lacag LA aana 7 iyaga ku tihiin madax kuwa caloosha waawayn madaxtooyada fadhiya kun shilin macunteen la aantood xaqooda siiya