Wax ka ogow loox-badhameedka QWERTY

Mohamed Abdiwahid

Qoraa, la taliye iyo baare tiknoolojiyad

Mohamed.Abdiwahid@savethechildren.org

Loox-badhameedka QWERTY
Loox-badhameedka QWERTY

In badan oo kamid ah hawl maalmeedkeenu waxay la xiriiraan wax-qorid, sida: qorida fariimo gaagaaban (SMS), diridda warbixino ama faallaynta bandhig Facebook-geed, iwm. waana taas tan keentay adeegsigeena loox-badhameed (Keyboard) oo in badan ka qaybqaata dadajinta iyo iskudabaridka hawlaheena wax-qorida.

Waa suuragal inaad ufiirsatay xuruufta looxad-badhameedka oo aan isugu xigin alifbeeto ahaan, horeyse isugu xigay alifbeeto ahaan balse dib laga ogaaday in xuruufta loox-badhameedka oo la isu xijiyo alifbeeto ahaan aysan noqon sidii wacnayd.

Christopher Sholes
Christopher Sholes

Kadib iskuday badan waxaa suura gashay helida hab cusub oo fududeen doona daabacaada iyo qoristaba, habkan cusub oo uu ikhtiraacay “Christopher Latham Sholes” waxaa loo yaqaan “QWERTY” oo ah lixda xaraf ee ugu horeysa loox-badhameedkan.

“Teebka” oo mar un ahaa aalad wax daabacda wuxuu lahaa caqabado ay ka mid tahay ilduuf, badhamada Teebka oo aad isugu dhaw awgeed waxaa dhici jirtay in labo ama saddex badhan ay isku dhagaan marka la garaacayo daabacana qormo aadan rabin gaar ahaan xuruufta loogu adeegsi badanyahay sida “s-h, t-h, e-a, e-io-u”.

Caqabadahaasi waatan keentay in qayb kamida farshaxamiistayaasha uu ka mid yahay Christopher Sholes ay dib u eegis ku sameeyaan qaab-dhigida xarfaha loox-badhameedyada, adeegsiga loox-badhameedka QWERTY waxa uu dardar-geliyey daabacaadii kana dhigay mid dhib yar.

Makiinadda teebka
Makiinadda teebka

Loox-badhameedka QWERTY haatan waa kan loogu adeegsi badanyahay waxaana lagu soo daray kumbuyuutarada iyo taleefoonada gacanta.