Duqa degmada Gaalkacayo oo qiray in amaanka magaaladaas ay sugi doonaan ciidamo ka yimi Muqdisho

Gaalkacayo(Puntland Post)-Duqa degmada Gaalkacayo Maxamed Yaasiin Tumay oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobalka Mudug ayaa ka hadlay Ciidamada Danab ee Dawlad Federaalka oo dhawaan yimi Gaalkacayo siweyna dadweynuhu u hadal hayeen.

Gudoomiye Tumay ayaa beeniyey inay Ciidamadani la wareegeen meelo khaasa oo kamida Magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobalka Mudug sida gagida diyaaradaha , wuxuuse qiray inay Magaalada u yimaadeen sidii ay u sugi lahaayeen amaanka magaalada, wuxuuna sheegay inay ka shaqayn doonaan ciidamada magaalada la keenay amaanka labadda dhinac ee Galkacayo.

Ciidamada Danab oo ah Kumadooska Dawlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa siweyn horay uga hawl geli jiray Koonfurta Soomaaliya, waase markii ugu horaysay oo la keeno qaybo kamida degaanada Puntland.

Weli Dalka Soomaaliya lagama samayn ciidamo qaran oo isku dhafa, iyadoo degaan walba ay horay u joogeen ciidamo kasoo jeeda degaanka, lamase oga inay Ciidamadan hor dhac u yihiin isku dhaf lagu samayn doono Ciidamada kala duwan ee Dalka maadama Dawlada Soomaaliya markii ugu horaysay Ciidankeeda usoo dirtay Gobalka Mudug oo u kala qaybsan Puntland iyo Galmudug.

Dadweynaha reer Puntland ayaa siyaabo kala duwan u hadal haya ciidamada cusub ee soo gaaray Magaalada Gaalkacayo.

PUNTLAND POST