Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XXXIX) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Immig1
Guddoonkii Max’ed Cumar DHalxa uu guddoomiyay golihii shacabka iyo ka soo qayb galkii ay shirka soo fariisteen tirradii layska rabay (Quorum) waxay soo saartay awoodda codka xil-dhibaanka iyo inaysan lacagta wax kast goyn karayn, waxaa iyadana ahayd tallaabo geesinimo ah in DHalxa uu qaatay go’aan khatar ah oo aysan qaateen niman  badan oo isaga oo kale ah oo waqtigaas cabsi daraadeed ula socday Shariif Xasan SHiikh iyo Qabqablayaashii Muqdisho. Waxaa kaloo shirkaas iyo go’aankii ka soo baxay ee ahaa inuu ra’iisal wazaaraha ka qayb galo shirkii golaha ammaanka Midowga Afrika oo uu weydiisto ciidamo Afrikaan ah oo ammaanka dowladda suga in barlamanka uusan ahayn sida dad badan oo ay ku jireen dowlado shisheeye ay qabeen oo ahayd in dan qaranka iyo ummadddooda duntay ay uga qiimo badantahay xogaa lacag ah!….waxaa meesha soo galay  La Mood Noqonse Weyday!…

 

Go’aankaas wuxuu soo celiyay himmad dowladnimo, wuxuuna farriin macno weyn xambaarsan ku noqday SHariif Xasan SHiikh Adan iyo Qabqablayaashii Muqdisho oo aan marna rumaysan in xil-dhibaannadu wax yihiin, oo waliba waxa ugu weyn ee ay isku halayniyeen ay ahayd in Guddoomiyaha barlamanka iyo  ku-xigeenka 1aad ay iyagu maamulaan sidaas daraadeedna aysan khilaafi karin ra’yigooda…..waa dhab, waa arrin run ah in fikirkaas uu ahaa midka ay ku shaqayniyeen qabqablayaasha Muqdisho, waxaan garanayaa maalintii markii uu dhammaaday shirkaas xubno badan oo xil-dhibaannada Koonfurta ka soo jeeda waxay walaac ka muujinayeen sida uu DHalxa Xamar ugu noqon doono! “…Garowaa Cabdullaahi Yuusuf geyniyaa!…Maya Xamar rajo kama qabo!”  A…Aaah!…..

 

Dowladdii iyadoon wali Kenya ka bixin bay kala baxday oo laba qaybood u kala fariisatay, waxaa iyadana banaanka u soo baxay inaysan jirin sabab haba yaraatee ay suuro gal ku noqon karto in dowladda ay Muqdisho degto; waa marka hore waxaa Muqdisho ku xoog badnaa mucaaradka diidan dowladda dhisantay oo walib aad u hubaysnaa ayna ugu horeeyeen Qabqablayaashii Hubaysnaa ee Muqdisho oo waliba iyagu xubno ka ahaa xukuumadda dhisantay, waxaa iyagana ka soo hor jeeday dowladda oo iyagu dabeecad ahaan meel kasta oo ay ka jiraanba mucaaradka la safan kooxda loogu yeero Bulshada Rayadka (Civil Society) oo marka ay timaado dalalka Afrika ama dalalka burburay sida Soomaaliya taageerrada ay ku dhisanyihiin ay tahay dowlado shisheeye oo iyag ku adeegta, iyo  Ganacsatadii Suuqa Bakaaraha oo iyagu ahaa awoodda ugu weyn Muqdisho isla markaasna taageersanaa  mowqifka Qabqablayaashii Muqdisho ay taaganyihiin dowladda dhisantay.

 

SHirkii ay safaaradda Maraykanka la gashay xubnihii dowladda ka soo hor jeeday wali ilaa iyo markaas wuu qarsoonaa, waa sax, madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geeddi walaac weyn bay ka qabeen arrimaha qarsoonaa ee shirkaas looga wada hadlay, waxayna arkayeen in maalinba tan ka dambeysay ay sii kala fogaanayeen iyaga iyo xubnihii shirkaas ka qayb galay…..waxaa kaloo iyadana soo if baxay in dowladihii aadka uga soo shaqeeyay shirkii dowladda lahu dhisay  oo laga sugayay inay dhiiri geliyaan aqoonsiga iyo la shaqaynta dowladda ay soo dhisaan ausan waxba taageera ah muujin marka laga reebo in madaxda dowladda ay dalalkooda ku soo dhoweeyeen… waxaa kale oo dowladahaas (Kenya, Uganda, Itoobiya, Djibouti, Talyaaniga, Sweden iyo Ingiriiska) aysan holinba inay heshiisiiyaan labada dhinac ee dowladdii ay dhiseen ee iska soo hor jeestay ama is khilaafay. Oo maxaa diidayna?!…..

 

Madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geeddi, waxay ku dadaaleen inay xiriir dhow  la sameystaan dhinacii ka soo hor jeeday, hal arrinse waa iska cadayd inaysan rajo ka qabin SHariif Xasan SHiikh Aadan oo isaga ay marar badan heshiisyo la soo galeen laakiin uusan marna ka fulin hal mid oo heshiiyadaas ka mid ah, mararka qaarkoodna ay ku bixiyeen lacago iyo dadaal iyo xoog bal haddii un mar oo wax ka yeelayo, waxaana xusid mudan in madax-weynaha iyo ra’iisal wazaare cali Max’ed Geeddi  waxa ugu weyn ee ay u daba ordayeen SHariif Xasan ay ahayd inuu sidii Af-hayeenkii barlamanka uu dowladda ula shaqeeyo, inuu arrimaha la hor keenayo barlamanka uu ka noqdo dhex-dhexaad, oo uu golaha shacabka ama xil-dhibaannadu wax ka dhisaan nidaam siyaasadeed ee lagu gaaro dowlad Soomaaliyeed iyo soo celintii Qaranka… Kaaf Iyo Kala DHeeri!

 

SHariif Xasan SHiikh Aadan isaga dhaqankiisa waxaa laga dheehanayay fikrad aad uga duwan tan ay ku shaqayniyeen madax-weynaha iyo ra’iisal-wazaaraha, midda cadse waxay ahayd SHariif Xasan inuu duminayay dowladdii dhisantay. DHowr jeer oo aan SHariif Xasan la sheekeystay ama aan waraysi ka qaaday oo aan weydiiyay khilaafka u dhexeeya isaga iyo madax-weynaha ama isaga iyo ra’iisal-wazaaraha hal mar waa ii sheegi kari waayay khilaaf magac leh oo uu uga soo hor-jeedo”…Aniga wax kale madax-weynaha kama rabo sharcigaas lee aan wada ilaalino!…..Dastuuraan dhiganay, Sharci aan leennahay isaga aan ku dhaqano!….” haddii la weydiiyo maxay haleeyeen oo qaynuun ahaan ay jebiyeen….magac ma leh! Wax dhacay oo uu kuu sheegayo ma leh….ilaa shacabkii Soomaaliyeed ay magacyo la xiriira dabeecaddiis siyaasadeed naanaysyo uga dhigeen….xil-dhibaannada barlamanka sidaas si la eg!

 

Kala qaybsanaanta dowladda iyadoo aan wali meelba gaarin waxay noqotay mid niyad jab ku ridda guud ahaan shacabkii Soomaaliyeed ee rajada ka qabay in shirkii Mbagathi ee daba-dheeraaday  ay ka dhalan doonto dowlad hanata dalka, waxaana Qabqablayaashii ay bilaabeen inay dib ugu noqdaan siyaabo ay ka soo gudbeen, waxayna ku faraxsanaayeen in in dowladda Maraykanka ay la yeesheen xariir aad u dhow, waxayna saaxiibnimmada Marykanka ku xaqiijiisteen  in Maraykanka uu taageeray go’aankoodii ahaa inaan waddammada safka hore ciidmo ka socda la keenin Soomaaliya…..Taageeradii Maraykanka ee sidaas ahayd maxaa bedelay?!…

Beri la soco….