Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XXXVIII) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

 Gacan-qaadkii ka dhacay barlamanka ka dib Muuse waxaa lagu xiray sal-dhigga Bartamaha ee boliiska magaallada Nairobi, waxaa kale oo la xiray Xuseen Carraale oo isgana xil-dhibaannadii Muuse Suudi la socday ahaa oo qayb weyn ka cayaaray dirirtaas, hasa ahaatee waxaa u gurmmaday Max’ed Qan-Yqare Afrax iyo SHariif Xasan SHiikh, waxaana la ii sheegay inay isticmaaleen lacag aad u faro badan oo qaarkeed si qaynuun dammaanad ay u dhigeen qaarna laygu yiri siyaabo kale ayaa loo baxshay oo aan qaynuunka waafaqsanayn. Maalintaas wixii ka dambeeyay waxaa dhammaaday kulan guud oo uu barlamanka isugu yimmaado magaallada Nairobi, SHariif Xasan SHiikh iyo inta badan Qabqablayaashii ka soo jeeday magaallada Muqdisho iyo qayb ka mid ah barlamanka iyo barlamanka qaybtiisii kale iyo  madax-weyne cabdullaahi Yuusuf iyo Geeddi oo meel ah.

 

DHowr maalmood ka dib dirirtii xil-dhibaannada ayaa ra’iisal wazaare Geeddi  oo u socdaalayay Addis Ababa si uu Midowga Afrika u weydiisto in dowladda lagu taageero ciidamo ayaa codsaday kulan guud oo uu doonayay inuu golaha shacabka oggolaansho ku weydiisto, wali xukuumadda waxay dareemaysay inay lagama maarmaan tahay in la helo ciidamo ammaankeeda suga, waa isla arrintii uu barlamanka ku dagaalay laakiin qaabkii mooshinka ahaa mid ka duwan loo soo maray, hasa ahaatee SHariif Xasan SHiikh Adan waa diiday inuu kulankaas ka soo qayb galo ama uu gudoomiyo, waxaa sidaasoo kale diiday oo aan ka soo qayb gelin kulankaas Qab-qablayaashii Muqdisho ka soo jeeday intoodii badnayd oo maalinba maalinta ka dambaysay aad moodo inay cadaysanayeen inay dowladda diidanyihiin ama ka soo hor jeedaan.

Waxaan iyadana meesha ka marnayn tuhun aad loola xariirinayay kulankii gaarka ahaa ee ay safaaradda Maraykanka la yeelatay Af-Hayeenka SHariif Xasan SHiikh Adan iyo Qab-qablayaashii Muqdisho iyo xubno kale oo dowladda ka soo hor jeeday, kaasoo run ahaantii saamayn weyn ku yeeshay siyaasadda Qab-qablayaasha iyo guud ahaan siyaabaha ay ula dhaqmayeen madax-weynaha iyo xukuumadda, waxaa isagana arrintaan kaalin fiican oo xagga la talinta ah ka ciyaaray  Ibraahim Faarax Bur-Saliid oo isagu ahaa xubin muhiim ah oo Soomaaliyeed oo ka tirsan safaaradda Maraykanka isla markaasna ahaa wakiilkii inta badan shirkii Mbagathi u fadhiyay safaaraddaas, waxaana xil-dhibaano badan ay Bur-Saliid ku eedeeyeen inuu lug weyn ku lahaa hab dhaqanka SHariif  Xasan iyo Qabqablayaasha marka laga hadlayo sida ay uga hor yimaadeen madax-weynaha iyo Xukuumadda.

 

Shariif Xasan SHiikh Adan markii uu diiday inuu guddoomiyo shirkii uu codsaday Ra’iisal-wazaare Geeddi, waxaa u tegay tegay xubno ka socday IGAD oo uu hor kacayay waziirka xiriirka iyo iskaashiga gobolka ee dowladda Kenya isla markaasna ahaa ninkii muddadii u dambaysay waday soo shirkii Mbagathi, John Koech, hasa ahaatee SHariif Xasan intuu iska dhigay nin ka yeelay ayuu hadana raacay xubno ka mid ahaa Qabqablayaashii Muqdisho oo u yimid. Waxaay arrintii noqotay diidmo bareer ah, ra’iisal wazaare Geeddi inuu subaxdii amba-baxo ayaa qorshuhu yahay, IGAD iyo Midowga Afrika si ay qaynuun u noqoto tallaabada ay doonayaan inay ciidamo Soomaali ku geeyaan waxay u baahdeen inay helaan codka kalsoonida barlamanka Soomaaliya……

GuDH1

Waxay ahayd arrin adag, runtii arrin aad u adag! Dan kasta hal nin baa hor taagan, kaaga daranee waa la sasabayaa, waa la laaluushayaa, wax ka socdana ma laha, lgamana haro!….Dowlad dhan oo maamulkeedii siyaasadeed lagu saleeyay nidaam beeleed, oo waa hagaagee side bay dowlad u tahay?! Bal waxa dhacaya adigu maxaad ku macnayn kartaa?! Waxaa qasab noqotay in loo yeero Max’ed Cumar DHalxa oo la yiri shirka guddoomi, oo ma sahal bay kula tahay?! Waa in marka hore wax badan laga fekeraa…DHalxa waa diiday, waa ku adkaatay, ilmihiisii Muqdisho ayeey joogeen iyo reerkiisii, waxay ku noqotay xujo, iyagii buu u baqay….wax kasta ayaa suuro gal ah in lagu sameeyo, markaas ka hor waxaa dhacday in la af-duubay wiil uu dhalay Max’ed Cusmaan Maye 2004tii sababo la xiriira fikirkiisa siyaasadeed marka DHalxa inuu reerkiisa u cabsado ma ahayn wax lala yaabo, waana sabab iyo kuwo la mid ah xil-dhibaano badanwaxay Qab-qablayaashii Muqdisho ula socdeen.

 

Wada tashi adag oo deg-deg ah ka dib waxaa laysku raacay in qoyska Max’ed Cumar DHalxa ay ciidammadii Xuseen Caydiid ee sal-dhigoodu ahaa Villa Badoa ee magaallada Muqdisho ay sal-dhigooda geeyaan oo ammaankooda sugaan, meeshu ciyaar ma oolin, hawlahaas oo dhan waxay dhacayaan muddo aad u kooban, reekii baa laysu keenay, waa la raray, waxaana la Villa Baidoa, laakiin Max’ed Cumar DHalxa shirkii ma guddoomin ilaa lala hadalsiiyay reekiisii oo uu afkooda ka xaqiijistay inaysan wax cabsi qabin…..shirkii sidaas ayuu ku qabsoomay, ra’iisal wazaare Geeddi sidii buu ku helay codkii kalsoonida ee ay xukuumaddiisu  ka rabtay barlamanka, waxayna taas cadayn u noqotay in wixii codeyntii hore is hor taagay ay ahaayeen Qabqablayaasha Muqdisho iyo SHariif Xasan SHiikh Adan……..

 

Wixii markaas ka dambeeyay, Qab-qablayaashi Muqdisho iyo SHariif Xasan, waxay bilaabeen inay isu diyaariyaan siday Muqdisho ugu amba bixi lahaayeen, sidii ay u guuri lahaayeen, waxayna u ekeyd in nimanka Qabqablayaasha Muqdisho ah ay ku socdeen qorshe ay la ogtahay safaaradda Marykanka, oo markii ay Muqdisho aadayeen ay ku socdeen qorshe dhamays tiran iyagoo dowladda Maraykanka ka haysta barnaamij dhamays-tiran oo lagula dagaalayo wadaaddadii markaas joogay Muqdisho ama waxa ay dowladda Maraykanka u taqaan Argagixisada, barnaamijkaas  dowladdii la dhisay ee dalka loo dhisay maadaama aysan rabin dowladda Maraykanka inay aqoonsato wuxuu qorshaha ahaa in Qabqablayaasha Muqdisho  u adeegsato danaha ay ka leedaha Muqdisho iyo Soomaaliya guud ahaan, laakiin nasiib wanaagwaa laga adkaaday oo maxkamadihii baa ka adkaaday…….. laakiin maxay natiijadii noqotay?!

Beri la soco….

PUNTLAND POST