Wasaaradda deegaanka iyo duurjoogta dowladda Puntland ayaa maanta soo bandhigtay labo gaari oo ah nuuca la yiraahdo 4WD Hardtop, kuwaas ay ka heleen bangiga aduunka (World Bank)
Gaadiidkaan ayaa loo adeegsandoonaa fulinta mashruuc ay ka wada shaqeeyaan wasaaradda deegaanka iyo bangiga aduunka, kaasoo lagu magacaabo mashruuca biyo siinta reer guuraaga beeralayda ah ee Puntland.
Wasiir ku xigeenka deegaanka FaaraxCali Cabdi iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Muno Daahir Dalmar ayaa gaadiidkaan kala wareegay wakiilo ka socday qandaraaslayaashii ku guulaystay inay wasaaradda deegaanka usoo iibiyaan gaadiidkaan, kadib tartan furan oo loo galay soo iibintooda horaantii sanadkaan 2016.
Agaasime Muno daahir Dalmar ayaa sheegtay gaadiidkaan inuu ka caawindoono dardar gelinta biyo xareeno loo sameyndoono dadka reer miyiga ee hadana ah beeralay, si ay u helaan meelo biyuhu ugu keyd samaan oo ka caawinaya in ay waraab u helaan beerahooda iyo xoolahooda,
Wasiir ku xigeenka deegaanka Faarax Cali Cabdi ayaa gaadiidkaan uga mahad celiyay bangiga aduunka.