Qaraxyo ismiidaamin ah oo lala eegtay Masjid al-Nabawi iyo Qadiif

Masjid Al-Nabawi
Sawirka Masjid Al-Nabawi ee dadweynuhu soo dhigeen baraha bulshada wax yar kadib qaraxii ka dhacay goobta baabuurta la dhigto ee masjidka. Twitter/Hirah Malick (@Hirahm)

Madiinah al-Munawarah (Puntland Post) — Saddex qarax oo ismiidaamin ah ayaa galabtii Isniinta lala eegtay goobo ku yaal magaalada Madiinah al-Munawarah, qaraxyadaas oo midkood ka dhacay meel baabuurta la dhigto oo ay goortaas ku sugnaayeen ciidanka ilaalada ee Masjid Al-Nabawi.

Qaraxaan oo dhacay wax yar ka hor aadaanka salaadda makhrib, ayaa warar hordhac ahi sheegayaan in ay ku geeriyoodeen shan qof oo afar ka mid ahi yihiin ciidanka nabadsugidda, halka qofka kale yahay ninkii doonayey in uu Xaramka Nebiga qarxiyo.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa soo geliyey sawirro muujinaya qaac ka baxay meel aan sidaas uga fogeyn Masaajidka Madiina.

Telefishinka Al Carabiya ee ku hadla afka dawladda Sacuudi Caraabiya ayaa baahiyey muuqaal muujinaya dadka oo olol iyo qaac ka baxaya goobta baabuurta la dhigto ee Masjid Al-Nabawi.

Weerarro ka dhacay Qadiif

Telefishinka ayaa sidoo kale werinaya in labo qarax oo dheeri ah ay ka dheceen meel u dhow masaajid ku yaalla magaalada Qadiif oo ku taal bariga Sacuudi Caraabiya.

Qaraxyada loo geystay masjika ku yaal magaalda Qadiif, oo ah mid ay ku cibaadaystaan Muslimiinta mad-habta Shiicada haysta, ayaan wax dhibaato ah soo gaarsiin dadkii masjidka ku sugnaa, balse, waxaa halkaas ku geeriyooday qof loo malaynayo in uu ahaa kii  isi soo miidaamiyey.

Amaanka goobaha barakaysan ee dalka  Sacuudiga ayaa kor loo qaaday tan iyo markii kooxda Daacish iyo bilowday in ay qaraxyo ka gaystaan masaajidda ku yaal dalalka Sacuudiga iyo Kuwayt.

Qof goobjooge ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in uu aagga masjidka ka ag dhow ku arkay hilbaha qof si daran u googo’ay, oo loo malaynayo in uu ahaa ninkii weerarka soo qaaday.

Dadka deegaanka ayaa, sidoo kale, wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in mid ka mid ah qaraxyada lala doonayey masjidka Qadiif uu ka dhacay goobta baabuurta la dhigto ee masjidka, halka kan kalena uu meel masjidka u dhow ka dhacay 7:00 fiidnimo waqtiga Sacuudiga.