London(Puntland Post) Xoghayah guud ee ururka suxufiyiinta Soomaaliya NUSOJ Mudane Maxamed Ibraahim Macalimuu oo maalmahan ku sugnaa waddanka Ingiriiska ayaa xalay magalada London kula kulmay wariyaasha Soomaaliyeed ee halkaasi ka howlgala.
Kulanka ayaa isagu jiray mid lagu soo dhawaynayo Macalimuu iyo mid looga xog qaadanayo Xoghayaha xaalada waddanka iyo shaqooyinka culus ee horyaala ururka.
Cabdiweli Ibraahim Garyare ayaa sheegay kulanka in badankiisa lagu falanqeeyay sidii wariyaasha ku nool qaarada Yurub ula shaqayn lahaayeen madaxda cusub ee NUSOJ isla markasna u muujin lahaayeen garab istaagooda sidoo kale waxaa si ballaaran looga hadlay xaalada wariye Cabdirisaaq Black oo aan weli kasoo kabsan dhaawac kasoo gaaray magalada Muqdisho, wariyaashu waxay isku raaceen in arrintaasi loo istaago maadama balanqaadkii madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud sameeyay uusan weli oofin.
Xoghaye Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa u mahad celiyay wariyaashii isku howlan qabsoomida kullankan oo wax badan la isku weydaarsadey, wuxuuna dhankiisa balan qaaday inuu si howlkarnimo ku jirto ugu shaqayn doono wariyaasha Soomaaliyeed ee xaalada adag ugu shaqaynaya umadda.
”Kulan muhiim ah xalay la qaatay wariyayàasha Soomaaliyeed ee UK . Waxaan uga mahad celineysa soo dhaweynta ballaaran oo ay u muujiyeen hogaanka cusub ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, Waxaanan wariyayaasha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu baqayaa Midnimo iyo Talo wadaag”
”Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa saaxiibkeey Abdiweli Ibrahim Garyare oo inooga yimid Netherland , iyo Eng Abdirahman Omar Osman Yarisow iyo sidoo kale dhamaan Saxafiyiinta qaaliga ah ee waqtigooda u soo huray kulanka caawa iyo inta soo qabanqaabisayba”.
Madaxda ururka NUSOJ oo doorasho si weyn loosoo qaban qaabiyay lagu doortey ayaa durba bilaabay howlaha shaqo ee ururka,waxayna ku sheegeen inay tahay mid cadeyn wada shaqaynta wariyaasha iyo madaxdooda.
PUNTLAND POST