Dadweynaha oo u codeeyey in Britain iskaga baxdo Midowga Yurub iyo David Cameron oo is casilaya

Dalka Britain ayaa muddo dheer ka mid ahaa ururka Midowga Yurub. Libin: Stefan Rousseau/PA
Dalka Britain ayaa muddo dheer ka mid ahaa ururka Midowga Yurub. Libin: Stefan Rousseau/PA

Dalka UK ayaa dadku u codeeyeen in ay iskaga baxaan ururka Midowga Yurub oo ay 43 sano ka hor ku biireen.

Goor dhoweyd ayaa lagu dhawaaqay natiijada aftidii dadweyne ee ka dhacday qaramada hoos yimaada dalka UK, waxaana 52% codka helay ol’olihii in dalku iskaga baxo Midowga Yurub, halka kuwii doonayey in ay ka sii mid ahaadaan ay heleen 48%.

Aftida ayaa waxaa u soo dareeray dadweyne ka badan 30 milyan waxana ay ahayd codbixiintii ugu ka-qayb-qaadashada badnayd tan iyo sannadkii 1992.

Qaramada Scotland, Woqooyiga Ireland iyo Gibraltar ayaa dadku inta badan u codeeyeen in ururka Midowga Yurub laga sii mid ahaado, halka Ingiriiska iyo Wales loo batay codka ah in laga baxo.

Raysal Wasaaraha oo xilka iska casilay

Raysal Wasaare David Cameron oo shir saxaafadeed degdeg ah qabtay ayaa sheegay in uu jagada Raysal Wasaare bannaynayo bisha Oktoobar ee soo socota. Raysal Wasaaraha ayaa ka mid ahaa siyaasintii sida weyn ugu guntanaa in laga sii mid ahaado Midowga Yurub.

Waxaa xil ka degista Raysal Wasaaraha horey ugu baaqay siyaasiyiinta u ol’oleynayey in Midowga Yurub la iskaga baxo oo ay ka mid yihiin Nigel Farage oo hoggaamiya xisbiga garabka midig ee UKIP xubno ka tirsan xisbiga talada haya ee Conservatives-ka.

Dhanka kale, qiimaha lacagta geniga Isterliinka ayaa hoos ugu dhacay halkii ugu hooseysay muddo 30 sanno ah, taas oo keentay in isla markiiba Bankiga Baritaaniya uu kordhiyo dulsaarka ama ribada lagu daro lacagaha amaahda ah.