Xaalada degmada Carmo ee Gobalka Bari oo degan

Garowe(Puntland Post)-Xaalada degmada Carmo ee Gobalka Bari ayaa maanta si aada u degan mana jiro wax dagaala oo halkaas ka jira, marka laga reebo is raasaasyn mudo kooban socotay oo Ciidamada Dawlada Puntland iyo kuwa uu wato Cabdisamad Maxamed Gallan ku dhex martay agagaarka Beeraha looyaqaan Barookhle oo dhanka Bari ka xiga degamada Carmo, kana baxsan wadada laamiga.

Odayaasha iyo Culimada Puntland ayaa halkaas kawada dadaal nabadeed, sidoo kale waxaa Carmo ku sugan Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ee Dawlada Puntland Shire Xaaji Faarax oo qudhiisu qayb ka ah dadaalka nabadeed.

Lama soo sheegin khasaare ka dhashay iska hor imaadka maanta ka dhacay degaanka Barookhle.

Isku soo wada duubo waxa muuqata dadaal balaaran oo loogu jiro sidii looga hortagi lahaa shaqaaqo hubaysan oo ka dhacda Gudaha Puntland.

PUNTLAND POST