Marka ay timaado kaalinta Qarammada Midoobay (QM) ee shirkii Mbagathi waxay u ekeyd inay ciyaarayso kaalin marti sharaf oo ay ku tix gelinayso waddammada shirka hawlihiisa gacanta ku hayay, wakiilkii Qarammada midoobay ee xilligaas wuxuu ahaa ninka lagu magacaabo Winston Tubman, oo ka soo jeeday dalka Liberia, wuxuuna shirka imaan jiray maalinta ay jirto munaasabada ama ay u yeertaan dowladaha IGAD ee shirka gacanta ku haya, wuxuu xiriir aad u sokeeya la lahaa guud ahaan maamulka shirka IGAD iyo guud ahaan xubnaha ergooyinka shisheeye ee shirka fadhiyay.
QM wakiilkeeda marka laga soo tago, waxaa ilaa labao jeer shirka yimid wafdiyo ka socday QM kuwaasoo ay wada shireen erggadii shirka fadhisay iyagoo kala hadlaya arrimo la xiriira amniga iyo cuna-qabqtaynta hubka, waxayna inta badan diyaarinayeen arrimo la xiriira sida ay u dhaqan geli lahayd cuna qabataynta hubka. Waxaana jirtay in sanadkii 2004tii uu magaallada Nairobi soo gaaray si uu u dar-dar geliyo shirarkii u socday Suudaan iyo Soomaaliya, wuxuuna kulan gaar ah la qaatay labadii guddoon ee shirarkaas Lazarus Sumbeiywo iyo Bathwel Kiplagat oo labadaba ahaa Kenyaan.

Koffi Annan ayaa sidoo kale booqday erggedii Soomaaliyeed ee fadhisay shirkii Mbagathi wuxuuna u jeediyay khudbad ay dulucdeeda ahayd in dadka Soomaaliyeed waxay iyaga qabsadaan oo keliya ay dunidu ku taageerayso, booqashadii uu shirkaas ku yimid ayaa run ahaantii waxaa dadaal badan geliyay guddoomiyhii shirkaas Kiplagat oo isagu aad moodaysay inuu taas himmad ku gelinayay erggeda shirka fadhisa. Waxaa iyadana xusid mudan in bishii November, 2003, uu erggedii Soomaaliyeed ee shirka fadhisay uu la shiray ku simihii xoghayaha guud ee QM, ninka lagu magacaabo Kieren Pendergast, inuu isagana sidaasoo kale u sheegay in Soomaalida looga baahanayahay iyada inay heshiiso, caalamkana uu gacan ku siin doono wixii ay ku heshiiso.
Sida iska caadada ahayd ee lagu bartay erggeda Soomaaliyeed marka shir loo qabto wax kasta oo erggeda shisheeyaha ah ay keento way oggolaadaan ama sax ha ahaato ama khalad ha ahaato, waxaa muhiim ah in qayb erggeda ka mid ah ay mark hore oggolaato, waa dabeecadihii yaabka lahaa ee shirka Mbagathi aan ka baranay, sababtuna wax kale ma aha waa khilaafka iyaga dhexdooda ah, waxaa muhiim ah talada inuusan soo jeedin qof iyaga ka mid ah, shirka dabeecaddiisa guud waxay ahayd midaas aan ka soo sheekeynay, maalin akstana waxay iska ahayd khilaaf iyo muran u yaala inay xalliyaan erggeda shisheeyaha ee shirka joogta.
Waxaa arrin xiiso badan ahayd laakiinse aysan dadka badankood fahamsanayn in shirka iyo kooxaha wada hadalaya ay dan ugu jirtay in haddii aysan marna talo isku raacayn oo midkoodna uusan kan kale waxa uu ka mudanyahay u quurin in la helo xal kale iyo awood dadkan ugu yaraan ku qasbi karaysa inay wada hadlaan waxna u go’aamisa, taasina waxay noqotay erggeda shisheeyaha ah, dhanka kalana cibaarada kale ee fiicnayd waxay ahayd markii ay qaybsameen oo koox walba ay xulufo la noqotay qayb gaar ah oo ka mid ah erggeda shisheeyaha iyadana waxy meesha ka saartay in talladii shirka ay u gacan gasho dal keliya, waxaa kaloo ay taas suura gelisay in erggeda shisheeyaha naftooda aysan isku raaci karin khataraha ay dadka Soomaaliyeed ka walaacsanaayeen, si kasta oo ay wax ugu heshiiyaan.

Waxaa iyadana nasiib wanaag ahayd erggada shisheeyaha ay tuhunsanaayeen kuwa Soomaalida ah, oo dhowr jeer oo arrimo lagu murmay ay qabqablayaasha siyaasadda go’aano adag oo isku mowqif ah istaageen, tusaale ahaan markii ay ergooyinka shisheeyahay keeneen koox ay ku sheegayaan inay yihiin Somali Christian Community, oo ay codsadeen inay ka mid noqdaan xubnaha shirka fadhiya, markaasoo uu buuq kacay ergadii Soomaaliyeedna ee hal meel wada istaagtay, iyagoo leh erggeda beel bay ku fadhisaa ninkii gaal beeshiisa ha keensato si kale oo aan ku aqbalayno ma jirto!…. *waxayna taas keentay in xoogaa lagu tix geliyo waxyaabaha la xiriira, Diintooda, Soomaalinimmada, iyo wixii soo raaci kara.
Maqnaanshihii Muuse Suudi Yalaxow oo shirka ka baxay August, 2003, markii dambana shir ku qabaty magaallada Balcad markii ay ka daba tageen xubno ka baxay shirka oo ka mid ahaa erggedii shirka fadhisay wuxuu kor u qaaday wallaac erggooyinkii dowladihii sharka hawshiisa gacanta ku hayay, iyagoo ka baqay inay xubnahaas dib u soo noqon waayaan, waxaana shirka loogu yeeray madax-weynaha dowladda Uganda Yuweri Museveni, si erggeda shirka fadhisa loogu qanciyo inay oggolaadaan xubno cusub oo ku soo biira hoggaamiyeyaasha siyaasadda. Waxaa iyadana jiray xubno ka mid ahaa hoggamiyeyaasha siyaasadda oo ahaa kuwii saxiixa iska lahaa oo iyagu diidanaa tirade hoggaamiyeyaasha oo 24 keliya ahayd in qof kale lagu soo daro oo aan ka ahayn maxa-weynahii xilligaas ee Soomaaliya CabdUl-Qaasim Salaad.
Beri la soco….
*Waa dhaqan hadda ka maqan in badan oo ka mid ah madaxda siyaasadda Soomaaliyeed ee muddooyinkaan dambe siyaasaddii dalka gacanta ku haya kuwaasoo waxaan u cuntamin aan diidi karin.
PUNTLAND POST