Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo Ka Furmey Magaalada Baydhabo

Garowe-(Puntlandpost)-Shirka madaxda wadatashiga qaran ee magaalada Baydhabo ayaa Hada furmay waxaana horyaala in go’aano laga gaaro qodobo dhowr ah oo loo dhigay in lagu go’aamiyo shirka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Qodobada sida weyn looga dhowr sugayo in go’aan looga gaaro ayaa waxaa kamid ah ku dhawaaqida xiliga la qabanayo doorashooyinka ka dhacaya dalka Soomaaliya oo horey loo sheegay in marnaba waqti dheeri ah aan lagu darsan doonin bisha Agoosto.

Waxaa muhiim ah in la shaaciyo xiliga ay dhaceyso doorashada afhayeenka baarlamaanka Prof. Jawaari iyo labadiisa ku xigeen, iyo in sidoo kale lagu dhawaaqo xiliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.

Arinta sida aadka loo hadal hayo ayaa ah maqaamka magaalada Muqdisho ay ku yeelaneyso xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka, walow horey loo sheegay in la sameynayo gudi arimahaasi loo xilsaarayo.

Shirarkii hore ee madasha ayaa marar badan la isku qabtay qodobka qeexaya maqaamka gobolka Banaadir, mana jirto ilaa iyo gudigii la sheegay oo la dhisay iyo cid sii hadal.

Hoos Ka Daawo Sawirada.

13445246_259509291082584_5290620910702769773_n 13450927_1093014570754711_5494726828775779921_n 13466014_259507014416145_183459956153788898_n 13494895_259507071082806_7092648850744088321_n 13494929_259509491082564_9087685591446660029_n 13502105_259507411082772_7878536169806475081_n 13521926_1119440061451361_5011869373043176520_n 13521998_259509824415864_7470389551520523615_n 13528706_259509077749272_1632749251515342235_n

Kayse Muse Ali

Puntlandpost

Garowe