Jigjiga(Puntland Post)-Madaxweynaha Dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dagaal uu dad ku dhintay oo ka dhacday degaanka Gaashaamo ee Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.
Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in arintaas loo saaray gudi heer Federaal,Dawlad degaan iyo Gobal iskugu jira ayna soo ogaadeen inay Dad Ciidamada soo weeraray ay soo abaabuleen rag shixnad kontarabaana soo gelinaayey Gudaha Itoobiya, markii gawaarida ay wateen laga qabtay balse ay isku dayeen inay xoog kula baxaan.
Madaxweynaha ayaa beeniyey inay halkaas ku dhinteen Dad gaaraaya 40 q0f oo rayid u badan, wuxuuna sheegay inay tiradu intaa ka yar tahay, Dadka dhintayna yihiin kooxihii dagaalka soo qaaday.
Hadalka Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kusoo aadaaya xili dhacdadii degaanka Gaashaamo ay hadal hayn badan dhalisay, laguna eedeeyey Dawlad degaanka Soomaalida iyo Dawlada Federaalka ee Itoobiya inay si bareera u xasuuqeen rayid aan waxba galabsan.
https://www.youtube.com/watch?v=UIdC6bErkKY
PUNTLAND POST

Budhcadda Isaaqa haddii la dilo waa maato… Maatada ay ku laayaan Laascaanood maalin kastana waa Faqash.. Alla maxaa Daaroodow dulqaad badni u dhalatey.. mise waaba doqonimo.
Cold blood murders and coward act. Unarmed civilians even if they are 2 or 3 and he is claiming that they are less than 40. Absolutely disgraceful because human life become cheap. No matter the qabiil background of victims ,they are our brothers and sisters.