Madaxweynaha Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo sheegay dhacdadii Gaashaamo in la buubuniyey

Jigjiga(Puntland Post)-Madaxweynaha Dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dagaal uu dad ku dhintay oo ka dhacday degaanka Gaashaamo ee Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in arintaas loo saaray gudi heer Federaal,Dawlad degaan iyo Gobal iskugu jira ayna soo ogaadeen inay Dad Ciidamada soo weeraray ay soo abaabuleen rag shixnad kontarabaana soo gelinaayey Gudaha Itoobiya, markii gawaarida ay wateen laga qabtay balse ay isku dayeen inay xoog kula baxaan.

Madaxweynaha ayaa beeniyey inay halkaas ku dhinteen Dad gaaraaya 40 q0f oo rayid u badan, wuxuuna sheegay inay tiradu intaa ka yar tahay, Dadka dhintayna yihiin kooxihii dagaalka soo qaaday.

Hadalka Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kusoo aadaaya xili dhacdadii degaanka Gaashaamo ay hadal hayn badan dhalisay, laguna eedeeyey Dawlad degaanka Soomaalida iyo Dawlada Federaalka ee Itoobiya inay si bareera u xasuuqeen rayid aan waxba galabsan.

PUNTLAND POST