Saynisyahanno Kaarboon Laba-Oksaydh dhagax u beddelay

Kaarboon Laba-oksaydh, warshad
Kaarboon Laba-oksaydhka hawada ku faafa ayaa intiisa badan waxaa sabab u ah qiiqa ka baxa shidaalka matoorradu gubaan — Anndré Robillard/Unsplash.com

Cilmibaarayaal ku sugan dalka Iceland ayaa soo saaray hab cusub oo neefta Kaarboon Laba-Oksaydhka (CO2) lagu ururin karo kadibna lagu kaydin karo ayada oo dhagax loo beddelayo. Faahfaahinta farsadamadaan oo lagu daabacay joornaalka Science, ayaa lagu sheegay in ay horseed u noqon karto sidii loo yarayn lahaa kululaanta cimilada dunida.

Saynisyahannadaan oo ka socday Jaamacadda Columbia iyo mac-hadyo kale oo dunida ah ayaa soo jeediyey in neefta CO2 iyo biyo la isku milayo kadibna iskujirka lagu afuufayo dhadhaabo folkaaneed. Intaas kadib, neeftii CO2 waxa ay isu beddelaysaa macdan kaarbonayt adke ah oo loo yaqaan kaalsayt, taas oo sideeda lagu kaydin karo.

Baaritaanno hore ayaa qabay in ay qaadan karto boqollaal illaa kumannaan sano in kaalsaytku ku samaysmo, balse, farsamada ay saynisyahannadu hadda adeegsadeen ayaa dhakhso u falgashay. Sannadkii 2012 ayey cilmibaarayaashu 250 tan oo CO2 ku dareen biyo iyo haydarojiin salfaydh kadibna iskujirkooda ku shubeen dhadhaab folkaaneed ku aasan 460 mitir oo dhulka hoostiisa ah. Labo sano gudahood waxaa kaarboonkii dhadhaabta lagu shubay 95 boqolkiiba isu beddelay dhagax.

Cilmibaaristaan oo lagu qabtay mid ka mid ah xarumaha xoogga korontada ee Iceland ayaa hadda looga faa’iidaystaa in sannad walba lagu aaso 10,000 oo tan oo CO2 ah.

Aqoonyahannada ayaa ku doodaya in qaabkaan dhagaxayntu ka kharash yar yahay kana nabadgelyo badan yahay qaabkii horey loo adeegsanayey ee Kaarboon Laba-Oksaydhka naqas ahaanta loogu kaydinayey.

Lama hubo sida habkaan cusubi wax uga tari doono maaraynta CO2 dunida. Waxa aan la tijaabin in farsamadaani ka shaqayn karto meelo kale oo dunida ah. Waxaa sidoo kale welwel laga muujiyey tirada biyaha loo adeegsanayo dhagaxaynta kaarboonka oo aad u badan — halkii tan oo CO2 ah ba waxaa ku soo aadaya 25 tan oo biyo ah — hase yeeshee madaxa cilmibaarista, Juerg Matter oo ka socday Jaamacadda Southampton ee dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in biyaha badda la isticmaali karo.