Afar qof oo ku dhintay weerar Tel Abib ka dhacay

Kooxaha denbi-baarista ayaa baaritaan ku sameeyey goobta weerarku ka dhacay wax yar kadib markii niman dabley afar qof ku dileen bartamaha Tal Abib — Jack Guez/AFP/Getty Images
Kooxaha denbi-baarista ayaa baaritaan ku sameeyey goobta weerarku ka dhacay wax yar kadib markii niman dabley ahi afar qof ku dileen bartamaha Tal Abib — Jack Guez/AFP/Getty Images

Labo nin oo hubaysan ayaa afar qof ku dilay, lix kalena ku dhaawacay weerar ay ku qaadeen maqaaxi iyo goob laga adeegto oo ku yaal bartamaha Tel Abib.

Dableyda weerarka qaaday oo lagu sheegay in ay ahaayeen labo nin oo Falastiiniyiin ah oo ka soo tallaabay dhanka Daanta Gableed ayaa boolisku sheegeen in gacanta lagu dhigay, mid ka mid ah oo dhaawacmayna uu qalliin ugu jiro mid ka mid ah isbitaallada Tel Abib.

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa sheegay in nimankaani u soo lebisteen sida wadaaddada Yuhuudda.

Weerarkaan ayaa dhacay 9:30 fiidnimo (8:30 fiidnimo; saacadda Bariga Afrika) waqti dadku u soo nasasho tageen baararka iyo maqaaxiyaha magaalada.

Muuqaal fiidyow ah oo goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya dadka oo kala cararaya iyo adeegga gargaarka degdegga ah oo halka toogashadu ka dhacdya imaanaya.

Agaasimaha suuqa la weeraray ayaa warbaahinta u sheegay in ilaalada suuqu ka joojisay in ragga hubaysani dhismaha soo galaan, sidaasna ay kaga hortageen in khasaare intaas ka badani dhaco.