Soomaaliya: Bisha Ramadaan oo Isniinta berri ah laga soomi doono dalka

Bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa bilaaban doonta maalinta Isniinta (6 Juun, 2016) — Isha sawirka: Niwasan, CC/SA
Bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa bilaaban doonta maalinta Isniinta (6 Juun, 2016) —isha sawirka: Niwasan, CC/SA

Bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa bilaaban doonta maalinta Isniinta berri ah oo ku aaddan 6da Juun, 2016. Sidaas waxaa goor dhoweyd ku dhawaaqay Wasaaradaha Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Puntland.

Guddiga loo xilsaaray sugidda dhalashada bisha Ramadaan ayaa xaqiijiyey in bisha laga arkay meelo badan oo dalka Soomaaliya ka mid sidaas darteedna bisha Ramadaan ay kow tahay maalinta Isniinta.

Sidoo kale waxaa aragtida bisha looga dhawaaqay dalal badan oo dunida ka mid ah. Wasaaradaha arrimaha diinta ee Masar, Joordan, Sacuudi Caraabiya, Imaaraadka iyo Jabuuti ayaa caawa ku dhawaaqay in berri la soomi doono. Sidoo kale waxaa in ay berri soon tahay laga xaqiijiyey dalka Kenya.

Maamulka iyo hawlwadeennada Puntland Post waxa ay guud ahaan Muslimiinta, iyo gaar ahaan dadweynaha Soomaaliyeed, u rajaynayaan Ramadaan barakaysan.