Maraykanka oo sheegay in ay duqayn ku dileen hoggaamiyihii Taalibaanka Afganistaan

Sawir hore: dagaalyahanno ka tirsan maleeshiyada Taalibaan AFP/Noorullah ShirzadaNoorullah Shirzada/AFP/Getty Images
Sawir hore: dagaalyahanno ka tirsan maleeshiyada Taalibaan © AFP/Noorullah Shirzada/Getty Images

Waxaa “loo badinayaa” in hoggaamiyihii kooxda Taalibaan ee Afganistaan ka dagaalanta, Mullah Akhdar Mansuur, uu duqayn ku dhintay sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay dawladda Maraykanka.

Bentagoonka ayaa sheegay in weerarro duqayn ah oo isku xig-xiga oo lagu bartilmaameedsanayey hoggaamiyaha kooxda Taalibaan uu Maraykanku ka geystay soohdinta fog ee u dhexeysa Afganistaan iyo Bakistaan.

Benktagoonka ayaa intaas ku daray in hoggaamiyahaan la beegsaday isaga oo gaari ku socdaalaya soohdinta u dhexeysa labada dal, waxaana la socday, baa warmurtiyeedka lagu yiri, qof kale oo rag ah.

Hawlgalkaan oo fulintiisa uu amray madaxweyne Barack Obama ayaa la qaaday abaare 15:00 (1:00 duhurnimo; waqtiga Soomaaliya), waxana dawladda Maraykanku sheegtay in ay wargeliyeen dalalka Bakistaan iyo Afganistaan wax yar kadib markii hawlgalka la fuliyey.

“Waxa aannu weli wadnaa baadhitaanka natiijadii hawlgalkaan, wixii soo baxana gadaal ayaan idinkala soo socodsiin doonnaa”, ayuu yiri afhayeenka gaashaandhigga, Peter Cook, oo warbaahinta u warramayey.

Mullah Akhdar Mansuur ayaa hoggaanka Taalibaan la wareegay sannadkii hore kadib markii ay soo if-baxday dhimashada Mullah Maxammad Cumar.

Taalibaan oo beenisay dilka hoggamiyahooda

Qof Taalibaan u hadlay oo aan la magacaabin ayaa Reuters u sheegay “Waa aannu maqalnay hadallada ku-tiri-ku-teenka ah balse ma ahan markii u horreysay [ee war caynkaan ah la faafiyo]. Waxa aan idiin sheegayaa in Mullah Mansuur aan la dilin.”

Mullah Akhdar Mansuur ayaa hoggaanka Taalibaan la wareegay sannadkii hore kadib markii ay soo if-baxday dhimashada Mullah Maxammad Cumar.

Ma ahan markii u horreysay oo ay soo baxaan warar sheegaya in la dilay hoggaamiye Mansuur.