Madaxweynaha Iyo Ra’iisul Wasaaraha oo Gaaray xarunta ay ku shirayaan Baarlamaanka Soomaaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxmuud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke  ayaa mardhow gaaray Xarunta ay ku shirayaan baarlamaanka Soomaaliya iyadoo uu soconayo kulanka baarlamaanku.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa lagu wadaa In Golaha shacabka ay ka codsadaaan in ay meel mariyaan Hanaanka Doorasho ee dalka.

Xildhibaanada  Soomaaliya ayaa loo qeybiyey Hanaanka doorasho ee dalka Iyadoo Baryihii ugu danbeeyey xildhibaanadu  Dib u eegis ku sameenayeen  Hanaanaka doorasho ee dalka si Dabayaaqada Sanadkaan  Dalka Soomaaliya uga dhacdo doorasho.

Saciid Xasan
Puntland Post
Muqdisho, SO