Nairobi: Guri lix dabaq ah oo soo dumay

Magaalada Nairobi © Google Maps
Magaalada Nairobi © Google Maps

Nairobi, Puntland Post — Guri lix dabaq ah oo ku yaallay degaanka Huruma ee magaalada Nairobi ayaa gebi ahaanba dumay sida lagu faafiyey bogga Laanqayrta Cas ee Kenya ku leedahay Twitter.

Laanqayrta Cas ayaa sheegtay in kooxaha samatabixintu ku hawllan yihiin sidii loo badbaadin lahaa dadkii dhismaha dumay iyo aaggiisa ku sugnaa, waxana ururku intaas ku daray in afar qof oo saddex ka mid ahi carruur yihiin loo qaaday isbitaalka KNH.

Maalmahaanba waxaa dalka Kenya ka da’ayey roobab culus oo qasaaro nafeed iyo mid hantiyeedba geystay, sida oo kalena sababay in ay joogsadaan qaybo ka mid isi-socodkii dalku.