Nairobi, Puntland Post — Guri lix dabaq ah oo ku yaallay degaanka Huruma ee magaalada Nairobi ayaa gebi ahaanba dumay sida lagu faafiyey bogga Laanqayrta Cas ee Kenya ku leedahay Twitter.
A six storey building has collapsed in Huruma next to Buthia club. KRCS Search and Rescue team responding to the scene.
— Kenya Red Cross (@KenyaRedCross) April 29, 2016
Laanqayrta Cas ayaa sheegtay in kooxaha samatabixintu ku hawllan yihiin sidii loo badbaadin lahaa dadkii dhismaha dumay iyo aaggiisa ku sugnaa, waxana ururku intaas ku daray in afar qof oo saddex ka mid ahi carruur yihiin loo qaaday isbitaalka KNH.
Maalmahaanba waxaa dalka Kenya ka da’ayey roobab culus oo qasaaro nafeed iyo mid hantiyeedba geystay, sida oo kalena sababay in ay joogsadaan qaybo ka mid isi-socodkii dalku.