
Garowe(Puntland Post)-Culimadda Puntland iyo Somaliland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Dad Itoobiyaan ah oo sanadihii ugu danbeeyey si aada ugu soo xoogaysanaayey Degaanada Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo kusoo kor dhiyey wax yaabo aan horay looga aqoon Soomaaliya.
Shiikh Aadan Siiro oo ka hadlaayey arimahan ayaa ku tilmaamay inay Dadkani qarka u saaran yihiin inay Dhulkooda kala wareegaan Dadka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inay Dad masaakiin ah oo Soomaaliyeed awood kaga qaadeen Gudaha Magaalada Hargeysa shaqooyin ay haysteen oo uu xamaaligu kamid ahaa.
Wuxuu ugu baaqay Dawlada Soomaliland inay dib u eegto joogtaanka Dadkan ee Gudaha Somaliland hadii kale ay mustaqbalka iyagu hantiyi doonaan Dhulka maadama ay aad uga badan yihiin Guud ahaan Dadka Soomaaliyeed.
Dhanka kale Shiikh Daahir Aw Cabdi oo kamid ah Culimada sida aadka ah looga ixtiraamo Puntland ayaa dhankiisa wax laga xumaado ku tilmaamay falalka ay Dadkani kawadaan Gudaha Puntland gaar’ahaan Magaalada Bosaaso, wuxuu sheegay inuu indhihiisa saaray fusuq ay Dadkani ku samaynayaan gudaha Xeebta Bosaaso.
Shiikh Daahir ayaa tilmaamay inay Dadkani Mudo dheer ku tamaayeen sida ay Dhulkooda ula wareegi lahaayeen Islaamka aan tirada badnayn ee ku nool Dalka Soomaaliya.
Shiikh ayaa Xukuumada Puntland ka codsaday inay ildheer u lahaato Itobiyaanka Fusuqa ba’an kusoo kor dhiyey Puntland, hadii kale mar un laga shalaayi doono waxa ay kawadaan Dalka.
Hadalka Culimada ayaa kusoo aadaya xili Dadka Itoobiyaanka ah ay si aada marba marka ka dambaysa ugu soo badanayaan Puntland iyo Somaliland, Dadkan oo Dalka kusoo gala sharci daro ayeysan jirin wax dareen ah oo ay ka muujiyaan xukuumadaha Puntland iyo Somaliland.
Halkan Ka daawo hadalka Shiikh Aadan Siiro
Halkan ka daawo Hadalka Shiikh Daahir Aw Cabdi
Puntland Post

Guud Ahaan Halaga saaro Ethiopian ka dhulka Somalia Intii aysan qarxin , oo dhibaato keenin.
Ethiopian ka amar Halagu siiyo inay si degdega ugu noqdaan dalkooda.
Somaliland iyo Puntland xukuumadahooda waajib wadaninimo ayaa kasaaran, Somalida iyagu isugeeda oo dhaliiltamaya waxay keentay Cadaw soo gala dhulka oo dhibaato ku haya nolosha dadka Somalidaa.
Dadwaynaha, boliiska, ciidanka waajib ka saaranu waa inuu Ethiopian ka ka sifeeyo Somalia oo si degdega arintaan u fuliyaan.
Ethiopian ka kasaara Somalia, haddii shacabka Somalia uu nolol doonayo, somalidu kalsooni la aan darteed ayey u ogolaatay in Ethiopian xad gudubtay dalkooda ku hayaan, marka somalidu dex deeda ay indho deer oo cadawnimo isku eegayaan. Aan soomalinimo usoo noqono Oo Cadawga dhulkeena kasaarno oo u rayon dalkeena iyo dadkeena , si degdega.
runtii raali lagama noqon karo fusuq, Rabina waa noogu caroonayaaa sidaas, laaakin qofkii asagu shaqo u soo raadsada ama dan yar kale oo aan dhibaato inoo gaysanayn, sifo sharciyana ku yimaada. maxaynu u saaraynaaa, soo ma ogidin in Ethopia kumanaan kun oo Somalia ku noolyihin hadana aan wax dhiba loo gaysan. ma ogashihiin in laynoo soo celiyo dadkeena inaguna aan ku waan celino.
waa fikirkayga raalika ahaada cidii uu dhibayo
Alaow yaa runta isu sheega
Markaad dadkiinii dhameysen
Ayaad qeylo dhaan bilowden
Waryaa sheeqa dadka wax ushegayow shalay markey soo
Qulqulayen waxaad lehed ethopia walal beynu nahay
Marna waan gosaneynaa
Kaxaab xaabi
asc dhamantin wa idin salamay intina somaliga ku hadasha. runta hadan is irahdo bidhaami xaqiiqdu wa in ethiopia ay dalkan qabsan doonto gooraan fogayn dadkan aad leedihin hala saarana ay si dhaba u yeelan doonan dhulkan halka somalida kala qaabilaysan inti xabadu laysay iyo inta da yartoodi badu cuntay maahee inta soo harta dad yar oo lagumaysto camal loola dhaqmi dooni wa hadi aysan somalidu hurdada ka kicin wsc.
Waa wax lagfa xumaado in ethopian dhulkeena sharci darro ku joogaan fusuq iyo dhibaatana kusoo kor dhiyaan halaga saaro wadanka si nabad galyo ah
aniga waxaan qabaa etoobiyaanka hal mar baxa lama dhihi karo ee wax ay ku baxaan halagu sameeyo sida iyada oo shaqada loo diido hadii ay meelo mehrado in cashuur zaaid ah la saaro inaan guryaha laga kireyn si ay u yaraadaan
Oromadaa ii dhaanta Soomaalida qashinka ah.
waxaa adag in la tarxiilo dad intaa tiro le eg.. dhibta waxaa uGu badan dhalinyarada baabuurta mark looyaqaan iyo Nissan ee ka kala shaqeeyo ayaa soo qaado lacagna kazoo qaata.. marka waa in Somaliland xadka la xiro guud ahaa.. hadii kale waa ayaga waxaa soo gudbiyo inkastooy dadaalaan.. laakiin kuma filna..