Garowe(Puntland Post)-Culimadda Puntland iyo Somaliland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Dad Itoobiyaan ah oo sanadihii ugu danbeeyey si aada ugu soo xoogaysanaayey Degaanada Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo kusoo kor dhiyey wax yaabo aan horay looga aqoon Soomaaliya.
Shiikh Aadan Siiro oo ka hadlaayey arimahan ayaa ku tilmaamay inay Dadkani qarka u saaran yihiin inay Dhulkooda kala wareegaan Dadka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inay Dad masaakiin ah oo Soomaaliyeed awood kaga qaadeen Gudaha Magaalada Hargeysa shaqooyin ay haysteen oo uu xamaaligu kamid ahaa.
Wuxuu ugu baaqay Dawlada Soomaliland inay dib u eegto joogtaanka Dadkan ee Gudaha Somaliland hadii kale ay mustaqbalka iyagu hantiyi doonaan Dhulka maadama ay aad uga badan yihiin Guud ahaan Dadka Soomaaliyeed.
Dhanka kale Shiikh Daahir Aw Cabdi oo kamid ah Culimada sida aadka ah looga ixtiraamo Puntland ayaa dhankiisa wax laga xumaado ku tilmaamay falalka ay Dadkani kawadaan Gudaha Puntland gaar’ahaan Magaalada Bosaaso, wuxuu sheegay inuu indhihiisa saaray fusuq ay Dadkani ku samaynayaan gudaha Xeebta Bosaaso.
Shiikh Daahir ayaa tilmaamay inay Dadkani Mudo dheer ku tamaayeen sida ay Dhulkooda ula wareegi lahaayeen Islaamka aan tirada badnayn ee ku nool Dalka Soomaaliya.
Shiikh ayaa Xukuumada Puntland ka codsaday inay ildheer u lahaato Itobiyaanka Fusuqa ba’an kusoo kor dhiyey Puntland, hadii kale mar un laga shalaayi doono waxa ay kawadaan Dalka.
Hadalka Culimada ayaa kusoo aadaya xili Dadka Itoobiyaanka ah ay si aada marba marka ka dambaysa ugu soo badanayaan Puntland iyo Somaliland, Dadkan oo Dalka kusoo gala sharci daro ayeysan jirin wax dareen ah oo ay ka muujiyaan xukuumadaha Puntland iyo Somaliland.
Halkan Ka daawo hadalka Shiikh Aadan Siiro
Halkan ka daawo Hadalka Shiikh Daahir Aw Cabdi
Puntland Post