Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland oo Gurmad iyo Biyo Dhaamin Ka Bilaabay Gobolka Sanaag

Sheekh Fu'aad Xaaji Nuur
Sheekh Fu’aad Xaaji Nuur

Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland ee culumadda ayaa ka bilaabay gobolka Sanaag gurmad iyo biyo dhaamintii u horraysay  ee loo samaynayo dadka  iyo xoolaha ku nool degaamadda ay aadka u saamaysay abaarta ku dhufatay somaliya.

Guddoomiyaha guddiga gurmadda abaaraha sheikh fu’aad Xaaji Nuur oo warbaahinta maxaliga ah ee puntland la hadlay ayaa sheegay in 27 booyadood oo biyo macaan sida ay gaarsiiyeen degaanka degmadda fiqifuliye ee gobolka sanaag

Sheikh fu’aad waxaa uu sheegay in biyo la’aan baahsan ay ka jirto degaamadaas,iyadoo biyihii ay ka dhamaadeen Baraagihii, ceelashuna ay ka fogyihiin, Waxaa kaloo uu sheegay in degaamadda gobolka sanaag ay yihiin meelaha ugu daran ee abaartu  saamaysay, aynaa yartahay taakuladda ka soo gaarta hay’adaha iyo dowladda

“Degmadda fiqifuliye waa degaamada ugu baahida badan dhinaca biyaha, gurmad iyo gargaar dheeraad ah ayayna u baahan yihiin, waxaanu tegnay oo biyo u dhaaminay degaamo farabadan oo ay ka mid yihiin ceel tooxle, boodacade, tuurdibi, Haldhaayada, faraciidle, galisle iyo degaamo kale” ayuu yiri Sheekh Fu’aad.

Sheekh Fu’aaad waxaa kaloo sawir guud ka bixiyay Xaaladda dadka iyo degaanka ay biyo dhaaminta ka bilaabeen, waxaana uu sheegay in  Haraad darini uu ka jirto degaankaas, dhulkuna uusan wax baad ah lahayn, dadka iyo xooluhuna ay khatar gali karaan haddii roobku daaho oo uusan xiligiisa ku imaan

“Dhulkan muddo roob kama di’in, baraagihii waa gureen, ceelashu waa fog yihiin, waxaa laga soo dhaamiya meelo ka durugsan , biyaha la heli karaa waa biyo kharaar, oo biyaha macaan lama heli karo, Booyadda biyaha macaan 150 dollar ayaa lagu dhaaminayaa, biyaha qaraar 100 ilaa 120 dollar ayay ku dhow yihiin” ayuu yiri sheekh fu’aad

Geesta kale Guddoomiyaha Degmadda Fiqifuliye ee gobolka Sanaag Yaasiin Maxamed Warsame  oo ka hadlay saamaynta abaartu ku yeelatay degaamadiisa ayaa sheegay ilaa iyo hadda aysan jirin dad degaankiisa ugu dhintay gaajo iyo haraad, sidoo kalena ayan jirin xoolo tarab-tarab ugu dhimanaya  biyo iyo baad la’aan, hase yeeshee  ay dadku iyo xooluhuba ay khatar ku jiraan haddii aan ilaahay raxmadiisa la helin oo roobkii di’in

Guddoomiyuhu wuxuu ka mahadceliyay  biyo dhaaminta laga bilaabay degaamadiisa, waxaana uu qiray in gurmadkan iyo taakulada la soo gaarsiin degaankan ay tahay tii u horraysay, oo dadkuna ay aad ugu baahnaayeen.

Guddoomiyaha guddiga  Gurmaddka Abaarah sheekh Fu’aad  Xaaji Nuur Wuxuu  sheegay in maalmaha soo socday ay sii wadi doonaan biyo dhaaminta, oo ay gaarsiin doonaan degmooyin iyo degaamo kale oo ku yaal gobolada Sanaag iyo Hayland .

Guddiga Gurmadda Abaaraha  ee culumadda   Puntland oo bishii hore ee Febraayo la sameeyay,  waxaa uu ka bilaabay magaaladda bosaso barnaamij ay ugu magac dareen Waraabi Walaalkaa , waxayna ila hadda Gacanta ku dhigeen deeq lacageed oo cadadkeedu dhan yahay  3,7000 (sodon iyo Todobo kun oo dollar) oo ay ku deeqeen shirkaddaha Golis iyo Towfiiq, waxaa kaloo lacago ku deeqay shirkado iyo shaqsiyaad kale oo reer Puntland, Lacagtana ayaana loo adeegsanaya biyo dhaaminta laga bilaabay degaamadda sanaag iyo goboladda kale ee dalka.

PUNTLAND POST