PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Goosanka Alshabaab, maqnaashaha Madaxweynaha iyo diyaar garow difaac

Share

Dawlad kasta waxay masuul ka tahay ilaalinta, difaacida iyo dhawrista xuduudaha  Dalkeeda iyo sharfta uu Dadkeedu leeyahay, waaana waxa ugu horeeya ee loo igmado Dawlad kasta marka talada loo caleema saaro, Hadii ay intaas gudan weydana waxaa Masuuliyiinta waajib ku ah inay xilka fagaare cad dadweynaha ugu celiyaan.

Puntland waxaa kusoo duulay koox kasoo goosatay xarakadda Al-shabaab oo awood xoogan ku leh Koonfurta Soomaaliya inkastoo qayb kalena kaga sugan tahay buurlayda Calmadow Puntland, Kooxdan oo u eg inay gacan saar la leeyihiin Kooxda la baxday Dawlada Islaamka (Daacish) ee ka dagaalanta Bariga dhexe ayna xukunka ku coloobeen kooxda ay mawqif wadaaga yihiin ee Alshabaab ayaa bilowday inay isku fidiso dhul xebeedka Puntland, waxayna mudo ka yar 24 saac gaareen degaano aad u kala fog masaafo ahaan oo ku kala yaala Gobalada Mudug, Nugaal iyo Karkaar iyagoo kuwo kalena kusii wajahan yihiin Bariga fog.

Awooda kooxdan

Sida ay xaqiijiyeen Dadka degaanada Garacad, Kulub iyo Garmaal oo ah goobaha ay kooxdani Saldhig-yada ka samaysteen, maahan koox si xir fadaysan u abaabulan, mana ahan koox ay xiligan ka muuqato awood sidaa u weyn oo ay ugu babac dhigi karaan Ciidamada Dawlada Puntland maadama ragan oo dhalinyaro u badan ay ka muuqato diif iyo gaajo aad u xun, ayna meelaha qaar xitaa kaga tegayaan qalab kala duwan oo uu hubna ku jiro markii ay qaadi waayeen waayo mahaystaan gawaari ay xaga dhulka u adeegsadaan, Waxayse si kalsooni ka muuqato iskugu fidinayaan dhulka xeebaha ah iyadoo aysan jirin wax ciidan ah oo ay hal mara iska caabin kala kulmeen, waxayna bilaabeen inay qafaashaan doonyaha kaluumaysiga ee ay Dadweynuhu leeyihiin, Iyagoo dhanka kalena si xoog ah xoolaha uga qalanaaya dadka reer Miyiga ah, waxayna hawada ka sarayaan Isgaarsiinta meel kasta oo ay gaaraan.

Yaa hogaaminaaya Kooxdan?

Waxaa jira warar  la isla dhex maraayo oo tibaaxaya inay kooxdan Hogaaminayaan Saraakiil asal ahaan kasoo jeeda Puntland kuwaas oo 10-kii sano ee ugu danbeeyey kamid ahaa dhaq-dhaqaaqa Alshabaab, waxayna wararku intaa ku darayaan inay ragani Al-shabaab uga goosteen kooxda Bariga dhexe ku xoogan ee Dacish.

Diyaar garowga Puntland

Inkastoo Dawlada Puntland iyo Dad si iskood ah isku abaabulay ay bilaabeen dhaq-dhaqaaq ciidan oo ay kaga hortagayaan is fidinta kooxdan, mase jirto wax talaabo ah oo ay Ciidamadu qaadeen in ka badan 24 saac oo ay maleeshiyaad kani ka ariminayaan dhul xeebeedka Puntland, waxaana muuqata habacsanaan laamaha amaanka iyo Dawlada ah maadama kooxdani sii fidayso, siina awoodaysanayso marba marka ka dambaysa, hadii saacadaha soo soocda talaabo la qaadi waayana waxaa xaqiiqo ah inay adkaan doonto in sanado danbe dhulka ay qabsadeen laga sifeeyo, suurta gala noqon doonto marmarsiyihii AMSIOM ee ahaa inay mar un yimadaan dhulka Puntland.

Maqnaashaha Madaxweynaha iyo wel-welka Dadweynaha

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa Dalka ka maqan mudo kor u dhaafaysa hal bil, waxaana xaflado waaweyn looga dhigay Dalalka Maraykanka iyo Kanada, Iyadoo Dad badan u anaynayaan habacsanaanta muuqata inay kow ka tahay maqnaashaha Madaxweynaha ayna taladiisa oo ah tan ugu weyn ay meesha ka maqan tahay walow warar aan helayno sheegayaan inuu kusoo wajahan yahay Puntland. Dadka reer Puntland waxaa soo wajahay wel-wel aad u weyn iyagoo wadnaha farta kaga haya inay lumiyaan in badan oo kamid ah degaanadooda ama degaanadoodu isku badelaan goob la isku haysto sida Koonfurta Soomaaliya, walow ay ka go’an tahay inay si adag isku difaacaan.

Maanta waxaa la jooga xiligii uu Madaxweyne Gaas Dalka ku hogaamin lahaa ka difaacista cadowga kusoo duulay , kuna dhiiri gelin lahaa dadweynuha inay u istagaan sidii Dalkooda naf iyo maalba ugu huri lahaayeen, waanse rajaynayaa inuu Madaxweynuhu saacadaha soosocda Dalka degdeg u imaan doono, dhamaana talaabooyinkan qaadi doono

Xog ogaalnimada Dawlada Federalka iyo is indha tirista Beesha Caalamka

Wasiirka Amniga Puntland oo maanta shir jaraaid ku qabtay aqalka Madaxtooyada  ayaa Dawlada Federalka ah ku eedeeyey inay wax weyn ka og tahay dulaanka Puntland lagu soo qaadaay ayna hayaan xog buuxda oo cadayn u ah eedayn tooda, Dad badan oo reer Puntland ah ayaa fikirkaa mid lamid ah qaba maadama Puntland tahay Maamulka kaliya ee waxa ay Dawlada Federalka iyo Beesha Caalamku soo jeediyeen dhihi kara Maya, sidaas darteedna la doonaayo in lagu wiiqo awooda Puntland loona geeyo Ciidamo AMISOM ah aakhirkana hoos keena Dawlada fadhigeedu yahay Muqdisho.

Dhanka kale waxaa muuqanaysa xubnaha la baxay Beesha Caalamka ee sheegta inay daneeyaan arimaha Soomaaliya inay illaa hada arimahan ka aamusan yihiin, aysana wax gacana siin Puntland oo ay dhawaan isku khilaafeen hirgelinta hanaanka wax qaybsiga Beelaha ee afar dhibic shan.

Faalada Puntland Post

2 comments

  1. Warqad Furan: Shacabka Reer Puntlanow is difaaca

    Sida la wada ogsoon yahay Puntland waa dawlad goboleedka ugu fac weyn dawlad goboleedyada ka jira Somalia. Waa dawlad goboleed hada jiritaankeedu labaatan sano ku dhowyahay (1998). waa dawlad goboleedka ugu dhul ballaadhan dawlad goboleeyada Somalia,
    Isla markaana ka mid ah kuwa ugu khayraadka badan. Waxaa la xusuustaa Puntland wakhtigii uu alla ha u naxariistee Cabdullah Yousuf madaxda ka haa in uu ahaa gobol aan cidina amnigiisa khalkhal gelin karin, kuna soo xadgudbi Karin. Waxay lahayd ciidan u diyaarsan, una carbisan difaaca Puntland. Waxaa is haystay oo kalsooni ka dhex jirtay bulshada reer Puntland. Waxa uu ahaa gobol koraya hiigsimaadna leh. Waxa uu ahaa gobol door weyn ku leh jaangoyntan siyaasada Soomaaliyeed. Waxaa uu ahaa gobol lagu magcaabi karo Hooyada Soomaaliya, oo qofkasta oo Soomali ahi iman karo, dagi karo, si nabad gelyo ahna ugu noolaan karo.

    Ayaan darro gobolkii sidaa ahaa, rajada weyna laga qabay maanta waxa uu noqday gobol aay cidwaliba hunguriyeen karto oo aan cidina ka hibaysan. Waxaa uu noqday gobol gabay doorkii iyo culayskii uu ku lahaa siyaasada Somalia. Hadaba su’aasha meesha ku jirtaa waxay tahay maxaa keenay hoos u dhaca intaa le’eg. Maxaa keenay 18 sano ka bacdi in budhcad deeneedka alshabaab ay Puntland si sahal isaga soo galaan shacabna ku laayaan kuna biliqaystaan.

    Hadaba xaqiiqda dhabata ah ee jirtaa waxay tahay in ay Puntlland 13kii sano ee la soo dhaafay dib u socotay, sanadba sanadka ka dambeeyan hoos u dhac ku imanayey. Waxaa dhaawac gaadhay Is haysigii iyo kalsoonidii bulshada dhexdeeda ka jirtay. Waxaa hoos u dhacay taakulayntii iyo taya kordhintii ciidanka difaaca Puntland. Waxaa hoos u dhacay dhaqaalihii,
    Waxbarashadii iyo horumarkii guud ee la rabay in Puntland gaadho. Waxaa mudadaa aan soo
    Sheegnay ( 13 sano qiyaastii) kor u kacay musuqmaasuqii, laaluushkii, nin jeclaysigii, qabyaaladii, boobka hantida guud ilaa la gaadhay in ciidankii dalka difaaci lahaa mushaharkoodii
    Iyo daryeelkii ay mudnaayeen ay waayaan.

    Si hadaba dhibaatadaa looga gudbo waxaan ku talin lahaa arimaha soo socda:

    1) In marka hore xaaladan cusub ee kooxda alshabaab dalka ku soo duushay laga hortago oo shacab iyo dawladba aan loo kala hadhin la dagaalanka iyo dabr goynta alshabaab, lagana nadiifiyo Puntland. Mid gudaha jooga iyo mid debeda joogaba bulshada reer Puntland w inaanl loo kala hadhin difaaca Puntland.
    2) In Puntland dib u fadhiisato, runtana isu sheegto, xal kama dambays ahna u raadiso dhibaatooyinka qotada dheer ee haysta.
    3) In dawlada talada Puntland haysaa ay is casisho mar hadii ay ku guul daraysatay difaaca dalka oo ah arinta ugu muhimsan arimaha loo igmaday, taladana shacabka dib ugu celiso.

    Hadii aan la xisaabtamin, waxa khaldana la sixin hoos u dhaco waa sii socon doona.

    Said A. Mohamud, arrales59@gmail.com

  2. Puntland RABBI oyó RAG ba wy leedahy waxan halkaan ka ogaysiinayaa nimanka wiilasha yaryar ee diifta iyo caatadu ka muuqato is yiri ku carqaladeeya nabada puntland ku naaloonayso (ALXAMDU LI LAAH) wxn leeyahy waad riyooteen puntland shicib iyo maamul wxay u howlan yihin ilaalinta sharaftooda.
    Waxaan halkaan uga Mahad celin cidanka sharafta leh waxaana idin leeyahy(HOOWL KAMA DAALOOYINOOW WALI WAA HOGADI)

Leave a Reply