Dawlad kasta waxay masuul ka tahay ilaalinta, difaacida iyo dhawrista xuduudaha Dalkeeda iyo sharfta uu Dadkeedu leeyahay, waaana waxa ugu horeeya ee loo igmado Dawlad kasta marka talada loo caleema saaro, Hadii ay intaas gudan weydana waxaa Masuuliyiinta waajib ku ah inay xilka fagaare cad dadweynaha ugu celiyaan.
Puntland waxaa kusoo duulay koox kasoo goosatay xarakadda Al-shabaab oo awood xoogan ku leh Koonfurta Soomaaliya inkastoo qayb kalena kaga sugan tahay buurlayda Calmadow Puntland, Kooxdan oo u eg inay gacan saar la leeyihiin Kooxda la baxday Dawlada Islaamka (Daacish) ee ka dagaalanta Bariga dhexe ayna xukunka ku coloobeen kooxda ay mawqif wadaaga yihiin ee Alshabaab ayaa bilowday inay isku fidiso dhul xebeedka Puntland, waxayna mudo ka yar 24 saac gaareen degaano aad u kala fog masaafo ahaan oo ku kala yaala Gobalada Mudug, Nugaal iyo Karkaar iyagoo kuwo kalena kusii wajahan yihiin Bariga fog.
Awooda kooxdan
Sida ay xaqiijiyeen Dadka degaanada Garacad, Kulub iyo Garmaal oo ah goobaha ay kooxdani Saldhig-yada ka samaysteen, maahan koox si xir fadaysan u abaabulan, mana ahan koox ay xiligan ka muuqato awood sidaa u weyn oo ay ugu babac dhigi karaan Ciidamada Dawlada Puntland maadama ragan oo dhalinyaro u badan ay ka muuqato diif iyo gaajo aad u xun, ayna meelaha qaar xitaa kaga tegayaan qalab kala duwan oo uu hubna ku jiro markii ay qaadi waayeen waayo mahaystaan gawaari ay xaga dhulka u adeegsadaan, Waxayse si kalsooni ka muuqato iskugu fidinayaan dhulka xeebaha ah iyadoo aysan jirin wax ciidan ah oo ay hal mara iska caabin kala kulmeen, waxayna bilaabeen inay qafaashaan doonyaha kaluumaysiga ee ay Dadweynuhu leeyihiin, Iyagoo dhanka kalena si xoog ah xoolaha uga qalanaaya dadka reer Miyiga ah, waxayna hawada ka sarayaan Isgaarsiinta meel kasta oo ay gaaraan.
Yaa hogaaminaaya Kooxdan?
Waxaa jira warar la isla dhex maraayo oo tibaaxaya inay kooxdan Hogaaminayaan Saraakiil asal ahaan kasoo jeeda Puntland kuwaas oo 10-kii sano ee ugu danbeeyey kamid ahaa dhaq-dhaqaaqa Alshabaab, waxayna wararku intaa ku darayaan inay ragani Al-shabaab uga goosteen kooxda Bariga dhexe ku xoogan ee Dacish.
Diyaar garowga Puntland
Inkastoo Dawlada Puntland iyo Dad si iskood ah isku abaabulay ay bilaabeen dhaq-dhaqaaq ciidan oo ay kaga hortagayaan is fidinta kooxdan, mase jirto wax talaabo ah oo ay Ciidamadu qaadeen in ka badan 24 saac oo ay maleeshiyaad kani ka ariminayaan dhul xeebeedka Puntland, waxaana muuqata habacsanaan laamaha amaanka iyo Dawlada ah maadama kooxdani sii fidayso, siina awoodaysanayso marba marka ka dambaysa, hadii saacadaha soo soocda talaabo la qaadi waayana waxaa xaqiiqo ah inay adkaan doonto in sanado danbe dhulka ay qabsadeen laga sifeeyo, suurta gala noqon doonto marmarsiyihii AMSIOM ee ahaa inay mar un yimadaan dhulka Puntland.
Maqnaashaha Madaxweynaha iyo wel-welka Dadweynaha
Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa Dalka ka maqan mudo kor u dhaafaysa hal bil, waxaana xaflado waaweyn looga dhigay Dalalka Maraykanka iyo Kanada, Iyadoo Dad badan u anaynayaan habacsanaanta muuqata inay kow ka tahay maqnaashaha Madaxweynaha ayna taladiisa oo ah tan ugu weyn ay meesha ka maqan tahay walow warar aan helayno sheegayaan inuu kusoo wajahan yahay Puntland. Dadka reer Puntland waxaa soo wajahay wel-wel aad u weyn iyagoo wadnaha farta kaga haya inay lumiyaan in badan oo kamid ah degaanadooda ama degaanadoodu isku badelaan goob la isku haysto sida Koonfurta Soomaaliya, walow ay ka go’an tahay inay si adag isku difaacaan.
Maanta waxaa la jooga xiligii uu Madaxweyne Gaas Dalka ku hogaamin lahaa ka difaacista cadowga kusoo duulay , kuna dhiiri gelin lahaa dadweynuha inay u istagaan sidii Dalkooda naf iyo maalba ugu huri lahaayeen, waanse rajaynayaa inuu Madaxweynuhu saacadaha soosocda Dalka degdeg u imaan doono, dhamaana talaabooyinkan qaadi doono
Xog ogaalnimada Dawlada Federalka iyo is indha tirista Beesha Caalamka
Wasiirka Amniga Puntland oo maanta shir jaraaid ku qabtay aqalka Madaxtooyada ayaa Dawlada Federalka ah ku eedeeyey inay wax weyn ka og tahay dulaanka Puntland lagu soo qaadaay ayna hayaan xog buuxda oo cadayn u ah eedayn tooda, Dad badan oo reer Puntland ah ayaa fikirkaa mid lamid ah qaba maadama Puntland tahay Maamulka kaliya ee waxa ay Dawlada Federalka iyo Beesha Caalamku soo jeediyeen dhihi kara Maya, sidaas darteedna la doonaayo in lagu wiiqo awooda Puntland loona geeyo Ciidamo AMISOM ah aakhirkana hoos keena Dawlada fadhigeedu yahay Muqdisho.
Dhanka kale waxaa muuqanaysa xubnaha la baxay Beesha Caalamka ee sheegta inay daneeyaan arimaha Soomaaliya inay illaa hada arimahan ka aamusan yihiin, aysana wax gacana siin Puntland oo ay dhawaan isku khilaafeen hirgelinta hanaanka wax qaybsiga Beelaha ee afar dhibic shan.
Faalada Puntland Post