PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Dhismaha Wadada Ceel-daahir iyo Ceerigaabo oo dhowaan bilaaban doona

Share

Bosaaso(Puntland post)-Waxaa magaalada Bosaaso soo gaaray qalabka lagu dhisaayo Wadada isku xiri doonta Degaanada Ceel-daahir iyo Ceerigaabo, waxaana maalmihii u danbeeyey Markab taagan dekadda laga daabulaayey qalab kala duwan oo muhiim u ah dhismaha wadada.

Mashruucan oo lagu dhisaayo waxa loogu Magac daray “Puntland ha isku tashato” ayaa dhismaheeda qaybta ugu weyn waxa qaadanaya qaybaha kala duwan ee Bulshada Puntland iyadoo dhaqaale gaaraya malaayiin Doolar lagu kala qoray Gobalada.

Si lamid ah Goobaha Waxbarashada, Ganacsatada iyo Gadiidka kala duwan ayaa lagu soo rogey dhaqaale loogu tabarucaayo dhismaha wadadan.

Waxaana la aaminsan yahay inay wadadani muhiimad weyn u leedahay Guud ahaan umadda reer Puntland gaar’ahaan kuwa Gobalka Sanaag oo qaba dhibaato aad u weyn oo dhanka wadooyinka, waxaana la filayaa hadii ay wadadani hirgasho inay wax weyn ka badeli doonto Gobalkaas ayna ku xiri doonto Gobalada kale ee Puntland.

1 Ceel2 ceel

3 ceel

5 ceel

Puntland Post

 

1 comment

  1. ilaahay ka cabsada oo dalkiina keliya ka fekera waa qaniimo waddooyinka haray ayey qalabkaani u faaiideyn doonaan insha allaah waddada ceeldaahir qiimeeya intaad ka sheekeyneysaan cadaawad sokeeye bal nin walbaw si qotodheer uga fiirso hooyadaa iyo adigu maysku qolaatihiin, adiga iyo xaaskaagu maysku aabbaa tihiin dadka kugu xeeran waa deris iyo qaraabo xishooda oo madaxdiina aamina hana kala cabsanina waxay ku khaldan yihiin makhaayadaha iyo kuraastana ha ka dacaayadaynina ee xafiisyada ugu taga qoraallana ugu geeya una sheega waxay khaldeen iyo waxay ilaaween, ku farxa waddada ceeldaahir,gegida diyaaradaha boosaso, Garoowe, maxjarka bosaso, magaalamadaxda garowe, jaamacadaha puntland, dugsiyada faraha badan ee gaaray tuulooyinka puntland, hoteelada casriga ah iyo nimcada burburka ka hor aynaan haysan dhammaan khayraadkaas qabiil inama siin nin xukun doon ahna inama siin waxaan ku helnay amarka rabbigeen iyo dulqaadka bulshada puntland, ee ka qayb qaata dhismaha dalka iyo horumarinta adeegyada bulshada mahadsanidin

Leave a Reply